soomaali
Surah Al-A'raf (The Heights ) - Aya count 206
المص
( 1 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 1 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 1](style/islamic/icons/mp3.png)
(Waxay ku Tusin Muejisada Quraanka).
كِتَابٌ أُنزِلَ إِلَيْكَ فَلَا يَكُن فِي صَدْرِكَ حَرَجٌ مِّنْهُ لِتُنذِرَ بِهِ وَذِكْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ
( 2 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 2 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 2](style/islamic/icons/mp3.png)
Kani waa Kitaab aannu kuu soo Dejinnay ee yeyna Laabtaada Dhibi (Cidhiidh) ahaan inaad ugu Digto, waana Waanada Mu'miniinta.
اتَّبِعُوا مَا أُنزِلَ إِلَيْكُم مِّن رَّبِّكُمْ وَلَا تَتَّبِعُوا مِن دُونِهِ أَوْلِيَاءَ ۗ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ
( 3 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 3 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 3](style/islamic/icons/mp3.png)
Raaca waxa Laydiinka soo Dejiyey Xagga Eebe, hana Raacina wax ka soo hadhay oo Awliyo ah (Gargaara ah) yaraana intaad Waantoobaysaan.
وَكَم مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا فَجَاءَهَا بَأْسُنَا بَيَاتًا أَوْ هُمْ قَائِلُونَ
( 4 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 4 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 4](style/islamic/icons/mp3.png)
Badanaa Intaan Magaalo Halaagnay oo u Timid Ciqaabtanadii iyadoo Jiifta (Habeen) ama Qayluushan (Maalin).
فَمَا كَانَ دَعْوَاهُمْ إِذْ جَاءَهُم بَأْسُنَا إِلَّا أَن قَالُوا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ
( 5 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 5 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 5](style/islamic/icons/mp3.png)
Baryadoodu (Qayladooduna) markuu u Yimid halaagganagu ma ahayn waxaan ahayn inay Dhahaan annagaa daalimiin ahayn.
فَلَنَسْأَلَنَّ الَّذِينَ أُرْسِلَ إِلَيْهِمْ وَلَنَسْأَلَنَّ الْمُرْسَلِينَ
( 6 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 6 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 6](style/islamic/icons/mp3.png)
Waana Warsanaynaa kuwii loo Diray (Ummadihii waxay ku Jawaabeen) waana warsanaynaa kuwii la Diray (Rasuulladii inay Gaadhsiiyeen).
فَلَنَقُصَّنَّ عَلَيْهِم بِعِلْمٍ ۖ وَمَا كُنَّا غَائِبِينَ
( 7 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 7 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 7](style/islamic/icons/mp3.png)
Waana uga Warramaynaa Ogaansho mana aanaan ka Maqnayn.
وَالْوَزْنُ يَوْمَئِذٍ الْحَقُّ ۚ فَمَن ثَقُلَتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
( 8 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 8 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 8](style/islamic/icons/mp3.png)
Miisaanku waa Xaq Maalintaas (Qiyaamada) Cidday Cuslaato Miisaankiisa (Fiican) Kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay.
وَمَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُم بِمَا كَانُوا بِآيَاتِنَا يَظْلِمُونَ
( 9 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 9 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 9](style/islamic/icons/mp3.png)
Cidduu Fududaado Miisaankiisuna kuwaasuna waa kuwa Khasaariyey Naftooda Dulmigay ku Falayeen Aayaadkanaga Dartiis.
وَلَقَدْ مَكَّنَّاكُمْ فِي الْأَرْضِ وَجَعَلْنَا لَكُمْ فِيهَا مَعَايِشَ ۗ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ
( 10 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 10 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 10](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan idin Makaninay Dhulka waxaan idiinka Yeellay Meel lagu Noolaado, waxaase yar Intaad Shukriyeysaan.
وَلَقَدْ خَلَقْنَاكُمْ ثُمَّ صَوَّرْنَاكُمْ ثُمَّ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ لَمْ يَكُن مِّنَ السَّاجِدِينَ
( 11 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 11 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 11](style/islamic/icons/mp3.png)
Waan idin Abuurray (Nabi Aadan) waana idin Suuraynay, markaasaan ku midhi Malaa'igta u Sujuuda (Nabi) Aadam (Salaan) wayna Sujuudeen, Ibliise ma ahayn kuwa Sujuuda.
قَالَ مَا مَنَعَكَ أَلَّا تَسْجُدَ إِذْ أَمَرْتُكَ ۖ قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِّنْهُ خَلَقْتَنِي مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُ مِن طِينٍ
( 12 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 12 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 12](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu Yidhi (Eebe) maxaa kaa reebay inaad Sujuuddo markaan ku faray, wuxuu Yidhi anaa ka Khayr roon, waxaad iga Abuurtay Dab isagana waxaad ka Abuurtay Dhoobo.
قَالَ فَاهْبِطْ مِنْهَا فَمَا يَكُونُ لَكَ أَن تَتَكَبَّرَ فِيهَا فَاخْرُجْ إِنَّكَ مِنَ الصَّاغِرِينَ
( 13 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 13 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 13](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu Yidhi (Eebe) ka Daga Xaggeeda (Jannada) Xaq uma lehid inaad isku Dhex Kibriside, Bax waxaad ka mid tahay kuwa Dullaysane.
قَالَ أَنظِرْنِي إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ
( 14 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 14 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 14](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu Yidhi ii sug tan iyo Maalinta la soo Bixin.
قَالَ إِنَّكَ مِنَ الْمُنظَرِينَ
( 15 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 15 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 15](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu Yidhi (Eebe) waxaad ka mid tahay kuwa la sugi.
قَالَ فَبِمَا أَغْوَيْتَنِي لَأَقْعُدَنَّ لَهُمْ صِرَاطَكَ الْمُسْتَقِيمَ
( 16 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 16 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 16](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu Yidhi Ibaadiyeyntaada Darteed waxaan u Fadhiisan Jidkaaga Toosan (waan Dhumin).
ثُمَّ لَآتِيَنَّهُم مِّن بَيْنِ أَيْدِيهِمْ وَمِنْ خَلْفِهِمْ وَعَنْ أَيْمَانِهِمْ وَعَن شَمَائِلِهِمْ ۖ وَلَا تَجِدُ أَكْثَرَهُمْ شَاكِرِينَ
( 17 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 17 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 17](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana kaga iman hortooda, Gadaashooda, Midigta iyo Bidixda mana hekaysid badankooda oo Shugriyi.
قَالَ اخْرُجْ مِنْهَا مَذْءُومًا مَّدْحُورًا ۖ لَّمَن تَبِعَكَ مِنْهُمْ لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكُمْ أَجْمَعِينَ
( 18 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 18 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 18](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu Yidhi Eebe ka bax Xaggeeda adoo Caayan oo la Dheereeyey, Ciddii ku raacdana waxaa laga Buuxin Jahannamo Dhammaantiin.
وَيَا آدَمُ اسْكُنْ أَنتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ فَكُلَا مِنْ حَيْثُ شِئْتُمَا وَلَا تَقْرَبَا هَٰذِهِ الشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ الظَّالِمِينَ
( 19 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 19 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 19](style/islamic/icons/mp3.png)
Nabi Aadamow Dega Adiga iyo Haweenaydaadu Jannada, kana Cuna Meejaad Doontaan, hana u Dhawaanina Geedkan, ood Noqotaan Daalimiin.
فَوَسْوَسَ لَهُمَا الشَّيْطَانُ لِيُبْدِيَ لَهُمَا مَا وُورِيَ عَنْهُمَا مِن سَوْآتِهِمَا وَقَالَ مَا نَهَاكُمَا رَبُّكُمَا عَنْ هَٰذِهِ الشَّجَرَةِ إِلَّا أَن تَكُونَا مَلَكَيْنِ أَوْ تَكُونَا مِنَ الْخَالِدِينَ
( 20 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 20 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 20](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana Waswaasiyey Shaydaan, inuu ka Muujiyo Xagooda wixii laga Asturay oo Cawradooda ah, wuxuuna Yidhi wuxuu idinka Reebay Eebe Geedkan inaydaan Noqonin Malaa'ig, ama aydaan waarin.
وَقَاسَمَهُمَا إِنِّي لَكُمَا لَمِنَ النَّاصِحِينَ
( 21 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 21 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 21](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna ugu Dhaartay inaan idiin ahay Naseex.
فَدَلَّاهُمَا بِغُرُورٍ ۚ فَلَمَّا ذَاقَا الشَّجَرَةَ بَدَتْ لَهُمَا سَوْآتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِن وَرَقِ الْجَنَّةِ ۖ وَنَادَاهُمَا رَبُّهُمَا أَلَمْ أَنْهَكُمَا عَن تِلْكُمَا الشَّجَرَةِ وَأَقُل لَّكُمَا إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمَا عَدُوٌّ مُّبِينٌ
( 22 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 22 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 22](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuuna soo Dejiyey Dhagar Darteed, markay Dhadhaniyeen Geedka waxaa u muuqday Xumaantooda waxayna ahaayeen kuwo isku Dhadhajiya Caleenta Jannada waxaana u Yeedhay Eebahood Miyaanan idinka reebin Geedan, oonan Idinku odhan Shaydaanku wuxuu idiin yahay Col Cad.
قَالَا رَبَّنَا ظَلَمْنَا أَنفُسَنَا وَإِن لَّمْ تَغْفِرْ لَنَا وَتَرْحَمْنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ
( 23 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 23 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 23](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna Dheheen Eebow waxaan Dulminay Naftanada Haddaadan noo Dambi Dhaafin oodan oo Naxariisanna waxaan ahaanaynaa kuwo Khasaaray.
قَالَ اهْبِطُوا بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ ۖ وَلَكُمْ فِي الْأَرْضِ مُسْتَقَرٌّ وَمَتَاعٌ إِلَىٰ حِينٍ
( 24 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 24 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 24](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu Yidhi Eebe ka dega Qaarkiin Qaarbuu Col u yahaye, waxaan Dhulka idiinku Sugan Nagaadi iyo Raaxo tan iyo Muddo.
قَالَ فِيهَا تَحْيَوْنَ وَفِيهَا تَمُوتُونَ وَمِنْهَا تُخْرَجُونَ
( 25 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 25 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 25](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxxuna Yidhi Eebe Dhexdiisaad ku Noolaanaysaan Dhexdiisaana ku Dhimanaysaan Xaggiisaana laydinka soo Bixin.
يَا بَنِي آدَمَ قَدْ أَنزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسًا يُوَارِي سَوْآتِكُمْ وَرِيشًا ۖ وَلِبَاسُ التَّقْوَىٰ ذَٰلِكَ خَيْرٌ ۚ ذَٰلِكَ مِنْ آيَاتِ اللَّهِ لَعَلَّهُمْ يَذَّكَّرُونَ
( 26 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 26 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 26](style/islamic/icons/mp3.png)
Banii Aadamow waxaan idiin soo Dejinay Dhar Astura Xumaantiinna (Cawrada) iyo Labbis (Xarago) Dharka Dhawrsashada yaase Khayr roon, Kaasina waa Aayaadka Eebe inay Dadku wax Xusuustaan.
يَا بَنِي آدَمَ لَا يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ كَمَا أَخْرَجَ أَبَوَيْكُم مِّنَ الْجَنَّةِ يَنزِعُ عَنْهُمَا لِبَاسَهُمَا لِيُرِيَهُمَا سَوْآتِهِمَا ۗ إِنَّهُ يَرَاكُمْ هُوَ وَقَبِيلُهُ مِنْ حَيْثُ لَا تَرَوْنَهُمْ ۗ إِنَّا جَعَلْنَا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ لِلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ
( 27 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 27 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 27](style/islamic/icons/mp3.png)
Banii Aadamow Yuusan idin Fidnayn Shaydaan siduu uga soo Bixiyey Labadiinii Waalid Jannada, isagoo ka siibi Dharkoodii inuu Tusiyo Xumaantooda (Cawrada) wuu idin Arkaa isaga iyo Colkiisu idinkuse ma aragtaan, waxaana uga Yeelay Shaydaanka Sokeeya kuwaan Rumeynin Xaqa.
وَإِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً قَالُوا وَجَدْنَا عَلَيْهَا آبَاءَنَا وَاللَّهُ أَمَرَنَا بِهَا ۗ قُلْ إِنَّ اللَّهَ لَا يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ ۖ أَتَقُولُونَ عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ
( 28 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 28 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 28](style/islamic/icons/mp3.png)
Markay Falaan Xumaanna waxay Dhahaan waxaan ka Hellay Aabayaalkanno Eebaana na faray iyada, waxaad Dhahdaa Eebe ma faro Xumaan ma waxaad ku Dhahaysaan Eebe waxaydaan Ogayne.
قُلْ أَمَرَ رَبِّي بِالْقِسْطِ ۖ وَأَقِيمُوا وُجُوهَكُمْ عِندَ كُلِّ مَسْجِدٍ وَادْعُوهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ ۚ كَمَا بَدَأَكُمْ تَعُودُونَ
( 29 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 29 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 29](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaad Dhahdaa wuxuu faraa Eebe Cadaaladda iyo inaad u Jeedisaan Wajigiinna (Xagiisa) Masaajidkasta Agtiisa, baryana idinkoo u kaliyeeli Diinta siduu idinku Billaabay Yaad ku soo Noqonaysaan.
فَرِيقًا هَدَىٰ وَفَرِيقًا حَقَّ عَلَيْهِمُ الضَّلَالَةُ ۗ إِنَّهُمُ اتَّخَذُوا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ مِن دُونِ اللَّهِ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُم مُّهْتَدُونَ
( 30 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 30 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 30](style/islamic/icons/mp3.png)
Koox wuu Hanuuniyey, Kooxna waxaa ku sugnaaday korkooda Baadi, maxaayelay waxay ka Yeesheen Shayaadiinta Awliyo, waxayna u Malayn inay hanuunsanyihiin.
يَا بَنِي آدَمَ خُذُوا زِينَتَكُمْ عِندَ كُلِّ مَسْجِدٍ وَكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلَا تُسْرِفُوا ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ
( 31 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 31 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 31](style/islamic/icons/mp3.png)
Banii Aadamow qaata Quruxdiinna (Dharka) Masaajid kasta agtiisa, Cuna oo Cabbana hana xad gudbina Illeen Eebe ma Jeela kuwa xadgudubee.
قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وَالطَّيِّبَاتِ مِنَ الرِّزْقِ ۚ قُلْ هِيَ لِلَّذِينَ آمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا خَالِصَةً يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ
( 32 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 32 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 32](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaadna Dhahdaa yaa Reebay Quruxdii Eebe u soo Bixiyey Addoomadiisa, iyo Wanaagga Rizqiga ag, waxaad Dhahdaa waxaa iska leh kuwa Rumeeyey Nolosha Adduunyo Dhexdeeda, Gaarna u tahay Maalinta Qiyaame, saasaana ugu Caddaynay Aayaadkanaga Ciddii wax Og.
قُلْ إِنَّمَا حَرَّمَ رَبِّيَ الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَالْإِثْمَ وَالْبَغْيَ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَأَن تُشْرِكُوا بِاللَّهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِ سُلْطَانًا وَأَن تَقُولُوا عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ
( 33 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 33 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 33](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaad dhahdaa wuxuu uun Xarrimay Eebahay wax Xun kan Muuqda iyo ka Qarsoonba, iyo Dambiga, iyo Xad Gudub Xaq darro iyo inaad la wadaajisaan Eebe wuxuusan Xujo u soo Dejinin, iyo inaad ku Sheegtaan Eebe waxaydaan Ogayn «Xaqnimadiisa».
وَلِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌ ۖ فَإِذَا جَاءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ
( 34 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 34 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 34](style/islamic/icons/mp3.png)
Ummadkasta waxaa u sugnaaday Ajal (Muddo) markay Timaaddo Ajashuna kama dibmaraan Saacad kamana hor maraan.
يَا بَنِي آدَمَ إِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ رُسُلٌ مِّنكُمْ يَقُصُّونَ عَلَيْكُمْ آيَاتِي ۙ فَمَنِ اتَّقَىٰ وَأَصْلَحَ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ
( 35 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 35 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 35](style/islamic/icons/mp3.png)
Banii Aadamow hadday idiin yimaadaan Rasuullo idinka mida oo idiinka warrama Aayaadkayga Ciddiise Dhawrsata oo Wanaag Fasha, Cabsi ma Saarra mana Walbahaaraan.
وَالَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَاسْتَكْبَرُوا عَنْهَا أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
( 36 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 36 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 36](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga oo iska Mibriya Xaggeeda kuwaasi waa Naarta Ehelkeeda wayna ku Waari.
فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِآيَاتِهِ ۚ أُولَٰئِكَ يَنَالُهُمْ نَصِيبُهُم مِّنَ الْكِتَابِ ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَاءَتْهُمْ رُسُلُنَا يَتَوَفَّوْنَهُمْ قَالُوا أَيْنَ مَا كُنتُمْ تَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ ۖ قَالُوا ضَلُّوا عَنَّا وَشَهِدُوا عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ أَنَّهُمْ كَانُوا كَافِرِينَ
( 37 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 37 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 37](style/islamic/icons/mp3.png)
Yaa ka Dulmi Badan Cid ku Abuuratay Eebe Been ama Beenisa Aayaadkiisa, kuwaasu waxay Heli qaybtoodii loo qoray, markay u Timaaddo Malaa'igtanada (Mawdka) oo Dili waxay ku Dhahaan Aaway waxaad Caabudayseen Eebe ka Sokow waxay Dhahaan way naga Dhumeen, waxayna ku marag Fureen Naftooda inay ahaayeen Gaalo.
قَالَ ادْخُلُوا فِي أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِكُم مِّنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ فِي النَّارِ ۖ كُلَّمَا دَخَلَتْ أُمَّةٌ لَّعَنَتْ أُخْتَهَا ۖ حَتَّىٰ إِذَا ادَّارَكُوا فِيهَا جَمِيعًا قَالَتْ أُخْرَاهُمْ لِأُولَاهُمْ رَبَّنَا هَٰؤُلَاءِ أَضَلُّونَا فَآتِهِمْ عَذَابًا ضِعْفًا مِّنَ النَّارِ ۖ قَالَ لِكُلٍّ ضِعْفٌ وَلَٰكِن لَّا تَعْلَمُونَ
( 38 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 38 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 38](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu Yidhi Eebe la gala Naarta Umado hortiin Tegay oo Jinni iyo Insiba leh, markastooy Umadu Hasho waxay Laenadaa Walaasheed (Saaxiibkeed) markay isku haleelaan Dhammaantood Dhexdeedana waxay ku Dhahdaa Tan dambe wax (Raaeda) Tan hore la (Raaco) Eebow kuwanaa na Dhumiyey ee u Laablaab Cadaab, Eebe wuxuu Odhan mid kasta waa loo Laablaabi mase Ogidin.
وَقَالَتْ أُولَاهُمْ لِأُخْرَاهُمْ فَمَا كَانَ لَكُمْ عَلَيْنَا مِن فَضْلٍ فَذُوقُوا الْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْسِبُونَ
( 39 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 39 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 39](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay ku Odhan Tan hore Tan Dambi wax Dheeraada naguma lihidin ee Dhadhamiya Cadaabka waxaad kasbanayseen Darteed.
إِنَّ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَاسْتَكْبَرُوا عَنْهَا لَا تُفَتَّحُ لَهُمْ أَبْوَابُ السَّمَاءِ وَلَا يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ حَتَّىٰ يَلِجَ الْجَمَلُ فِي سَمِّ الْخِيَاطِ ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُجْرِمِينَ
( 40 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 40 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 40](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa Beeniyey Aayadkanaga oo iska Kibriyey looma Furo Iridaha Samada mana Galaan Janada intuu ka Galo Riti Irbad Dulkeed Saasaana ku abaal marinaa Dambiilayaasha,
لَهُم مِّن جَهَنَّمَ مِهَادٌ وَمِن فَوْقِهِمْ غَوَاشٍ ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الظَّالِمِينَ
( 41 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 41 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 41](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay ku Mudan Jahannamo Gogol korkoodana waxaa ahaan Dabool, Saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta.
وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
( 42 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 42 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 42](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa Rumeeyey Xaqa oo Falay Caml Fiican, kuma Mashaqaynno Naf waxayna Karin, Kuwaasu waa Janada Ehelkeeda wayna ku Dhex waari.
وَنَزَعْنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنْ غِلٍّ تَجْرِي مِن تَحْتِهِمُ الْأَنْهَارُ ۖ وَقَالُوا الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي هَدَانَا لِهَٰذَا وَمَا كُنَّا لِنَهْتَدِيَ لَوْلَا أَنْ هَدَانَا اللَّهُ ۖ لَقَدْ جَاءَتْ رُسُلُ رَبِّنَا بِالْحَقِّ ۖ وَنُودُوا أَن تِلْكُمُ الْجَنَّةُ أُورِثْتُمُوهَا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
( 43 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 43 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 43](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana ka Siibnaa waxa ku Jira Laabtooda oo Xasada, waxaana Dareeri Hoostooda Wabiyadii, waxayna Dhahaan Mahad waxaa Mudan Eebaha Nagu Hanuuniyey kan (Wanaagga) Maanaan hanuuneen haddaan Eebe na hanuunin, waxay la Timid Rassuladii Eebaheen Xaq, waxaana loogu Dhawaaqay Tiinani waa Jannadii Laydin Dhaxalsiiyey Camalkiinna Dartiis.
وَنَادَىٰ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ أَصْحَابَ النَّارِ أَن قَدْ وَجَدْنَا مَا وَعَدَنَا رَبُّنَا حَقًّا فَهَلْ وَجَدتُّم مَّا وَعَدَ رَبُّكُمْ حَقًّا ۖ قَالُوا نَعَمْ ۚ فَأَذَّنَ مُؤَذِّنٌ بَيْنَهُمْ أَن لَّعْنَةُ اللَّهِ عَلَى الظَّالِمِينَ
( 44 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 44 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 44](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay u Dhawaaqaan Ehelu Jannuhu Ehelu Naarka waan hellay wixii Eebe Noo Yaboohay si Dhab ah ee idinku ma Hesheen wuxuu idiin yahoohay Eebe si Dhab ah, waxayna Dhahaan haa waxaana ka dhawaaqa Dhexdooda mid Dhawaaqa Laenadda Eebe ha ku Dhaedo Daalimiinta.
الَّذِينَ يَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ وَيَبْغُونَهَا عِوَجًا وَهُم بِالْآخِرَةِ كَافِرُونَ
( 45 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 45 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 45](style/islamic/icons/mp3.png)
Ah kuwa ka Celiya Dadka Jidka Eebe lana Doona Qallooca, Iyagoo Aakhiro ka Gaaloobay.
وَبَيْنَهُمَا حِجَابٌ ۚ وَعَلَى الْأَعْرَافِ رِجَالٌ يَعْرِفُونَ كُلًّا بِسِيمَاهُمْ ۚ وَنَادَوْا أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَن سَلَامٌ عَلَيْكُمْ ۚ لَمْ يَدْخُلُوهَا وَهُمْ يَطْمَعُونَ
( 46 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 46 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 46](style/islamic/icons/mp3.png)
Dhexdoodana waxaa ahaan Xijaab Aeraafkana (Meel sare) waxaa ahaan Dad ku Garan Cid Kasta Calaamaddooda, wacayna u Dhawaaqaan Ehelu Jannaha iyagoo ku leh Nabadgalyo Korkiina ha ahaato, mayna galin Jannada wayse damci.
وَإِذَا صُرِفَتْ أَبْصَارُهُمْ تِلْقَاءَ أَصْحَابِ النَّارِ قَالُوا رَبَّنَا لَا تَجْعَلْنَا مَعَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ
( 47 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 47 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 47](style/islamic/icons/mp3.png)
Markii loo Jeediyo Wajigooda Xagga Ehelu Naarka waxay Dhahaaan Eebow ha na yeelin la Jirka Daalimiinta.
وَنَادَىٰ أَصْحَابُ الْأَعْرَافِ رِجَالًا يَعْرِفُونَهُم بِسِيمَاهُمْ قَالُوا مَا أَغْنَىٰ عَنكُمْ جَمْعُكُمْ وَمَا كُنتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ
( 48 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 48 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 48](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay u Dhawaaqayaan Dadka Acraafku Dad ay ku garan Calaamaddooda, waxayna ku Odhan waxba idiinma tarin badnaantiinii (Kulankiinnii) iyo Waxaad isku Kibrinayseen.
أَهَٰؤُلَاءِ الَّذِينَ أَقْسَمْتُمْ لَا يَنَالُهُمُ اللَّهُ بِرَحْمَةٍ ۚ ادْخُلُوا الْجَنَّةَ لَا خَوْفٌ عَلَيْكُمْ وَلَا أَنتُمْ تَحْزَنُونَ
( 49 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 49 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 49](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma kuwanaa kuwaad ku Dhaarateen inaan Eebe Gaadhsiinayn (Siinayn) Naxariis (Waxaana lagu Odhan) Gala Janada idinkoon Cabsi iyo Walbahaar midna Arkayn.
وَنَادَىٰ أَصْحَابُ النَّارِ أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَنْ أَفِيضُوا عَلَيْنَا مِنَ الْمَاءِ أَوْ مِمَّا رَزَقَكُمُ اللَّهُ ۚ قَالُوا إِنَّ اللَّهَ حَرَّمَهُمَا عَلَى الْكَافِرِينَ
( 50 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 50 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 50](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay u Dhawaaqi Ehelu Naarku Ehelu Jannaha (Iyagoo dhihi) Noogu soo Deeqa Biyaha ama waxa Eebe idinku Arzaaqay, waxayna Dhahaan Eebe wuu ka Xarrimay Labadaas Gaalada.
الَّذِينَ اتَّخَذُوا دِينَهُمْ لَهْوًا وَلَعِبًا وَغَرَّتْهُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا ۚ فَالْيَوْمَ نَنسَاهُمْ كَمَا نَسُوا لِقَاءَ يَوْمِهِمْ هَٰذَا وَمَا كَانُوا بِآيَاتِنَا يَجْحَدُونَ
( 51 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 51 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 51](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee ah kuwa ka Yeeshay Diintooda Madadalo iyo Ciyaar, oyna Dhagartay Nolosha Adduunyo, Maanta wuu ku Dayn Naarta siday u Halmaameen la Kulanka Maalintan, iyo Diidooda Aayaadkanaga Dartiis.
وَلَقَدْ جِئْنَاهُم بِكِتَابٍ فَصَّلْنَاهُ عَلَىٰ عِلْمٍ هُدًى وَرَحْمَةً لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
( 52 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 52 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 52](style/islamic/icons/mp3.png)
Dhab ahaan baannu ugula Nimid Kitaab Aannu Caddaynay Annagoo ku Cilmi leh, Isagoo Hanuun iyo Naxariis u ah Ciddi Rumayn.
هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا تَأْوِيلَهُ ۚ يَوْمَ يَأْتِي تَأْوِيلُهُ يَقُولُ الَّذِينَ نَسُوهُ مِن قَبْلُ قَدْ جَاءَتْ رُسُلُ رَبِّنَا بِالْحَقِّ فَهَل لَّنَا مِن شُفَعَاءَ فَيَشْفَعُوا لَنَا أَوْ نُرَدُّ فَنَعْمَلَ غَيْرَ الَّذِي كُنَّا نَعْمَلُ ۚ قَدْ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا يَفْتَرُونَ
( 53 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 53 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 53](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyey sugi waxaan ahayn wuxuu Sheegi Quraanku, Maalintuu Yimaaddo wuxuu Sheegi Quraanku waxay Odhan kuwii Horay u Halmaamay (Kuna Camal falin) waxay la Timid Rasuuladii Eebe Xaq, ee majiraa Shufaco ha noo Shafeeceene, ama ma nala Celin inaan Fallo waxaan ahayn waxaan fali jirray, waxay Khasaariyeen Naftooda waxaana ka Dhumay waxay been abuuran jireen.
إِنَّ رَبَّكُمُ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ اسْتَوَىٰ عَلَى الْعَرْشِ يُغْشِي اللَّيْلَ النَّهَارَ يَطْلُبُهُ حَثِيثًا وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ وَالنُّجُومَ مُسَخَّرَاتٍ بِأَمْرِهِ ۗ أَلَا لَهُ الْخَلْقُ وَالْأَمْرُ ۗ تَبَارَكَ اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ
( 54 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 54 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 54](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebihiin waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood kuna istawooday Carshiga, wuxuuna ku Daboolaa Habeenka Maalinta wuuna doonaa Habeenku si Deg dega Qorraxda, Dayaxa iyo Xidigahana waxaa loo Sakhiray Amarka Eebe, Eebaana Abuuridda iyo Amarkaba iska leh, waxaana waynaaday «oo Khayrbatay» Eebaha barbaariya Caalamka.
ادْعُوا رَبَّكُمْ تَضَرُّعًا وَخُفْيَةً ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُعْتَدِينَ
( 55 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 55 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 55](style/islamic/icons/mp3.png)
U Barya Eebihiin si Khashuue ah iyo Qarsoodi Ellen Eebe ma jeela kuwa Xad gudbee.
وَلَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَاحِهَا وَادْعُوهُ خَوْفًا وَطَمَعًا ۚ إِنَّ رَحْمَتَ اللَّهِ قَرِيبٌ مِّنَ الْمُحْسِنِينَ
( 56 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 56 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 56](style/islamic/icons/mp3.png)
Hana fasaadinina Dhulka inta la Wanaajiyey ka dib, Baryana Eebe Cabsi iyo Doonidba Naxariista Eebana waxay u Dhawdahay kuwa Samaha Fala.
وَهُوَ الَّذِي يُرْسِلُ الرِّيَاحَ بُشْرًا بَيْنَ يَدَيْ رَحْمَتِهِ ۖ حَتَّىٰ إِذَا أَقَلَّتْ سَحَابًا ثِقَالًا سُقْنَاهُ لِبَلَدٍ مَّيِّتٍ فَأَنزَلْنَا بِهِ الْمَاءَ فَأَخْرَجْنَا بِهِ مِن كُلِّ الثَّمَرَاتِ ۚ كَذَٰلِكَ نُخْرِجُ الْمَوْتَىٰ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ
( 57 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 57 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 57](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe waa kan u dira Dabaysha Bishaaro Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa markay Xambaarto Daruur Culusna waxaan u Kaxaynaa Dhul Dhintay (Abaar) waxaana ku Dejinaa (Shubnaa) Biyaha, waxaana ku soo Bixinaa wixii Dhintay inaad Xussusataan.
وَالْبَلَدُ الطَّيِّبُ يَخْرُجُ نَبَاتُهُ بِإِذْنِ رَبِّهِ ۖ وَالَّذِي خَبُثَ لَا يَخْرُجُ إِلَّا نَكِدًا ۚ كَذَٰلِكَ نُصَرِّفُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَشْكُرُونَ
( 58 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 58 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 58](style/islamic/icons/mp3.png)
Dhulka Fiican wuxuu ku soo baxaa Doogiisu idinka Eebe, midka Xunna waxaan Dhib ahayn kuma soo baxo, saasaan ugu Caddaynaa Aayaadka Ciddii ku Shukrin Eebe.
لَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ
( 59 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 59 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 59](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan u Dirray Nabi Nuux Qoomkiisii, wuxuuna ku Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna Eebe ka soo hadhaye, anugu waxaan idiinka Cabsan Cadaab Maalin Wayn.
قَالَ الْمَلَأُ مِن قَوْمِهِ إِنَّا لَنَرَاكَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ
( 60 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 60 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 60](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ka mid ahayd waxaan kugu Aragnaa Baadi Cad.
قَالَ يَا قَوْمِ لَيْسَ بِي ضَلَالَةٌ وَلَٰكِنِّي رَسُولٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ
( 61 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 61 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 61](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna yidhi Qoomkayow Baadi kuma Sugni waxaanse ahay Rasuul Eebaha Caalamka.
أُبَلِّغُكُمْ رِسَالَاتِ رَبِّي وَأَنصَحُ لَكُمْ وَأَعْلَمُ مِنَ اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ
( 62 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 62 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 62](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana idiin Gaadhsiin Farriinta Eebahay waana idiin Naseexayn, waxaana ka Ogyahay Xagga Eebe waxaydaan Ogayn.
أَوَعَجِبْتُمْ أَن جَاءَكُمْ ذِكْرٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ مِّنكُمْ لِيُنذِرَكُمْ وَلِتَتَّقُوا وَلَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
( 63 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 63 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 63](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma waxaad la Yaabteen inuu u Yimaaddo Nin idinka mida Xuska Eebihiin si uu idiinku digo iyo inaad dhawrsataan laydiinna Naxariisto.
فَكَذَّبُوهُ فَأَنجَيْنَاهُ وَالَّذِينَ مَعَهُ فِي الْفُلْكِ وَأَغْرَقْنَا الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا عَمِينَ
( 64 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 64 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 64](style/islamic/icons/mp3.png)
Wayse Beeniyeen waxaana ku korinay Nuux iyo intii la jirtay Doontii waxaana Maanshaynay kuwii Beeniyey Aayaadkanaga, Illeen waxay ahaayeen Qoom indhala, (Xaqa arkayn).
وَإِلَىٰ عَادٍ أَخَاهُمْ هُودًا ۗ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ
( 65 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 65 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 65](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan u Dirray Caadna Walaalkood (Nabi) Huud wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna Eebe ka soo hadhay, Miyeydaan Dhawrsanayn.
قَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَوْمِهِ إِنَّا لَنَرَاكَ فِي سَفَاهَةٍ وَإِنَّا لَنَظُنُّكَ مِنَ الْكَاذِبِينَ
( 66 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 66 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 66](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ka mid a, Anagu waxaan kugu aragnaa Safaaho (Xumaan) waxaana kuu malaynaynaa Beenaalayaasha.
قَالَ يَا قَوْمِ لَيْسَ بِي سَفَاهَةٌ وَلَٰكِنِّي رَسُولٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ
( 67 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 67 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 67](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna yidhi Qoomkayow Safaaho (Xumaan) imahayso waxaanse ahay Rasuul Eebaha Caalamka.
أُبَلِّغُكُمْ رِسَالَاتِ رَبِّي وَأَنَا لَكُمْ نَاصِحٌ أَمِينٌ
( 68 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 68 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 68](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana idin gaadhsiin Farrinta Eebahay waxaana idiin ahay Nasteex Aamina.
أَوَعَجِبْتُمْ أَن جَاءَكُمْ ذِكْرٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ مِّنكُمْ لِيُنذِرَكُمْ ۚ وَاذْكُرُوا إِذْ جَعَلَكُمْ خُلَفَاءَ مِن بَعْدِ قَوْمِ نُوحٍ وَزَادَكُمْ فِي الْخَلْقِ بَسْطَةً ۖ فَاذْكُرُوا آلَاءَ اللَّهِ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ
( 69 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 69 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 69](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma waxaad la Yaabteen inuu u Yimaaddo Xuska Eebihiin Nin idinka mid ah inuu iddin Digo, Xusuusta Markuu idinka yeelay Eebe kuwa u Hadhay (Dhulka) Qoomkii Nabi Nuux ka dib, idiinna kordhiyey Xoog, ee Xusuusta Niemada Eebe, waxaad u Dhawdihiin inaad Liibaantaane.
قَالُوا أَجِئْتَنَا لِنَعْبُدَ اللَّهَ وَحْدَهُ وَنَذَرَ مَا كَانَ يَعْبُدُ آبَاؤُنَا ۖ فَأْتِنَا بِمَا تَعِدُنَا إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ
( 70 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 70 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 70](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay Dheheen ma waxaad noola timid inaan Caabudno Eebe Kaliya, oon ka Tagno Waxay Caabudayeen Aabayaalkanno, noo keen waxaad noogu Goodiyeysay Haddaad runle tahay.
قَالَ قَدْ وَقَعَ عَلَيْكُم مِّن رَّبِّكُمْ رِجْسٌ وَغَضَبٌ ۖ أَتُجَادِلُونَنِي فِي أَسْمَاءٍ سَمَّيْتُمُوهَا أَنتُمْ وَآبَاؤُكُم مَّا نَزَّلَ اللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَانٍ ۚ فَانتَظِرُوا إِنِّي مَعَكُم مِّنَ الْمُنتَظِرِينَ
( 71 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 71 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 71](style/islamic/icons/mp3.png)
wuxuu yidhi waxaa idinkaga Dhacaya Xagga Eebe Cadaab iyo Cadho ma waxaad igula Murmaysaan Magacyo ood Magacoowdeen idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo Dejinin Xujo, Suga anna waan idinla Sugiye.
فَأَنجَيْنَاهُ وَالَّذِينَ مَعَهُ بِرَحْمَةٍ مِّنَّا وَقَطَعْنَا دَابِرَ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۖ وَمَا كَانُوا مُؤْمِنِينَ
( 72 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 72 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 72](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaasaan Korinay isaga iyo Intii la jirtay Naxariistanada Darteed, waxaana Goynay Cidhibta kuwa Beeniyey Aayaadkanaga, mana ayan rumayn (Xaqa).
وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا ۗ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ قَدْ جَاءَتْكُم بَيِّنَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ ۖ هَٰذِهِ نَاقَةُ اللَّهِ لَكُمْ آيَةً ۖ فَذَرُوهَا تَأْكُلْ فِي أَرْضِ اللَّهِ ۖ وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
( 73 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 73 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 73](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan u Dirray Thamuudna Walaalkood Nabi Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe wax ka soo hadhay Eebe idiinma sugnee, waxaa idiinka timid Xagga Eebe Xujo (Cad) Tanna waa hashii Eebe, waxayna idiin tahay Calaamo, ee iska Daaya ha ka Cunto Dhulka Eebe hana ku taabanina Xumaan oo markaas idin qabto Cadaab Daran.
وَاذْكُرُوا إِذْ جَعَلَكُمْ خُلَفَاءَ مِن بَعْدِ عَادٍ وَبَوَّأَكُمْ فِي الْأَرْضِ تَتَّخِذُونَ مِن سُهُولِهَا قُصُورًا وَتَنْحِتُونَ الْجِبَالَ بُيُوتًا ۖ فَاذْكُرُوا آلَاءَ اللَّهِ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ
( 74 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 74 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 74](style/islamic/icons/mp3.png)
Xusuusta markuu idinka yeelay (Eebe) kuwo Baddalay Caad kadib idin Dajiyeyna Dhulka idinkoo ka Yeelay Dooxyaheeda Daaro, ood kana qoranaysaan Buuraheeda Guryo Xusuusta Niemooyinka hana Fasaadinina Dhulka.
قَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا مِن قَوْمِهِ لِلَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا لِمَنْ آمَنَ مِنْهُمْ أَتَعْلَمُونَ أَنَّ صَالِحًا مُّرْسَلٌ مِّن رَّبِّهِ ۚ قَالُوا إِنَّا بِمَا أُرْسِلَ بِهِ مُؤْمِنُونَ
( 75 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 75 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 75](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna ku dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisa ka mida kuwii Tabarta yaraa oo Rumeeyey ma waxaad Ogtihiin in Saalax laga soo diray Xagga Eebe, waxayna dheheen Annagu waxa lagu diray waan rumaynay.
قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا بِالَّذِي آمَنتُم بِهِ كَافِرُونَ
( 76 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 76 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 76](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna dheheen kuwii iskibriyey annagu waxaad Rumeeyseen waan ka Gaaloownay.
فَعَقَرُوا النَّاقَةَ وَعَتَوْا عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ وَقَالُوا يَا صَالِحُ ائْتِنَا بِمَا تَعِدُنَا إِن كُنتَ مِنَ الْمُرْسَلِينَ
( 77 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 77 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 77](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna Dileen Hashii waxayna ka Madaxadaygeen amarkii Eebahood, waxayna dheheen Saalaxow noo keen waxaad noogu Goodiyeeyso haddaad tahay mid la soo Diray.
فَأَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ فَأَصْبَحُوا فِي دَارِهِمْ جَاثِمِينَ
( 78 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 78 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 78](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana qabtay Gariirkii waxayna ahaadeen kuwo, Guryahoodii ku Dhintay.
فَتَوَلَّىٰ عَنْهُمْ وَقَالَ يَا قَوْمِ لَقَدْ أَبْلَغْتُكُمْ رِسَالَةَ رَبِّي وَنَصَحْتُ لَكُمْ وَلَٰكِن لَّا تُحِبُّونَ النَّاصِحِينَ
( 79 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 79 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 79](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna ka Jeedsaday «Nabi Saalax» caggooda wuxuuna yidhi waan idin Gaadhsiiyey Fariintii Eebahay waana idiin naseexeeyey Mase Jeelidiin Nasteexa.
وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ أَتَأْتُونَ الْفَاحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنْ أَحَدٍ مِّنَ الْعَالَمِينَ
( 80 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 80 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 80](style/islamic/icons/mp3.png)
Xusuuso Nabi Luudh Markuu ku yidhi Qoomkiisii Ma waxaad la imaanaysaan Xumaanta uusan idiinka hormarin Ruux Caalamka ka mid ah.
إِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ الرِّجَالَ شَهْوَةً مِّن دُونِ النِّسَاءِ ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ مُّسْرِفُونَ
( 81 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 81 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 81](style/islamic/icons/mp3.png)
Idinku waxaad u Tagaysaan Ragga Hunguriyeeyn Darteed Haweenka ka sokow, waxaadse tihiin qoom Xad Gudbay.
وَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا أَخْرِجُوهُم مِّن قَرْيَتِكُمْ ۖ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ
( 82 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 82 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 82](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna ahayd Jawaabtii qoomkiisa, ka Bixiya Luudh iyo inta Rumaysay Magaaladiinna waaba Dad isdaahirinaye.
فَأَنجَيْنَاهُ وَأَهْلَهُ إِلَّا امْرَأَتَهُ كَانَتْ مِنَ الْغَابِرِينَ
( 83 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 83 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 83](style/islamic/icons/mp3.png)
Waana Korinay Luudh iyo Ehelkiisa Haweenaysiisii mooyee oo ka mid noqotay kuwa halaag ku hadhay.
وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُجْرِمِينَ
( 84 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 84 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 84](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana ku soo Daadinay Roob (Naareed) bal day siday Noqotay Cidhibtii Dambiilayaasha.
وَإِلَىٰ مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا ۗ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ قَدْ جَاءَتْكُم بَيِّنَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ ۖ فَأَوْفُوا الْكَيْلَ وَالْمِيزَانَ وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَاحِهَا ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
( 85 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 85 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 85](style/islamic/icons/mp3.png)
Madyanna waxaan u Diray Walaalkood Nabi Shucayb wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna Eebe ka soo hadhaye, waxaa idiinka Timid Xagga Eebe Xujee Dhammaystirana Miisidda iyo Miisaanka, hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda, hana Fasaadinina Dhulka wanaajin kadib, saasaa idiin khayr roon haddaad Mu'miniin tihiin.
وَلَا تَقْعُدُوا بِكُلِّ صِرَاطٍ تُوعِدُونَ وَتَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ مَنْ آمَنَ بِهِ وَتَبْغُونَهَا عِوَجًا ۚ وَاذْكُرُوا إِذْ كُنتُمْ قَلِيلًا فَكَثَّرَكُمْ ۖ وَانظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ
( 86 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 86 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 86](style/islamic/icons/mp3.png)
Hana Fadhiisanina Jid kasta idinkoo Goodin oo ka Celin Dadka Jidka Eebe Ciddii Rumaysa idinkoo Qalooe la dooni, xusuustana markaad yareydeen oo Eebe idin badiyey, dayana siday Noqotay Cidhibtii Fasaadiyaasha.
وَإِن كَانَ طَائِفَةٌ مِّنكُمْ آمَنُوا بِالَّذِي أُرْسِلْتُ بِهِ وَطَائِفَةٌ لَّمْ يُؤْمِنُوا فَاصْبِرُوا حَتَّىٰ يَحْكُمَ اللَّهُ بَيْنَنَا ۚ وَهُوَ خَيْرُ الْحَاكِمِينَ
( 87 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 87 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 87](style/islamic/icons/mp3.png)
Haddayse Koox idinka mida Rumaysay waxa laygu soo Diray Kooxna ayna Rumeynin Samra (Suga) inta Eebe ka kala Xugmin Dhexdeenna Isagaa Xaakim Khayr Roon ah.
قَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا مِن قَوْمِهِ لَنُخْرِجَنَّكَ يَا شُعَيْبُ وَالَّذِينَ آمَنُوا مَعَكَ مِن قَرْيَتِنَا أَوْ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَا ۚ قَالَ أَوَلَوْ كُنَّا كَارِهِينَ
( 88 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 88 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 88](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisii ah waxaannu kaa Bixin Shucaybow adiga iyo kuwa ku Rumeeyey Magaaladanada ama waxaad ku soo Noqon Diintanada, wuxuuna yidhi oo haddaan Necebnahayna.
قَدِ افْتَرَيْنَا عَلَى اللَّهِ كَذِبًا إِنْ عُدْنَا فِي مِلَّتِكُم بَعْدَ إِذْ نَجَّانَا اللَّهُ مِنْهَا ۚ وَمَا يَكُونُ لَنَا أَن نَّعُودَ فِيهَا إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّهُ رَبُّنَا ۚ وَسِعَ رَبُّنَا كُلَّ شَيْءٍ عِلْمًا ۚ عَلَى اللَّهِ تَوَكَّلْنَا ۚ رَبَّنَا افْتَحْ بَيْنَنَا وَبَيْنَ قَوْمِنَا بِالْحَقِّ وَأَنتَ خَيْرُ الْفَاتِحِينَ
( 89 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 89 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 89](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan ku Been abuuranay Eebe hadaan ku noqonno Diintiinna inta Eebe naga Koriyey ka dib, Nagumana habboona inaan ku Noqonno in Eebe Doono Mooyee, Illeen Eebaa Cilmigiisu waasac yahaye, waxaana talo Saarannay Eebe, Eebow Nagu kala Xukun Dhexdanada Xaq adaa Xaakim Khayr Roon ahe.
وَقَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَوْمِهِ لَئِنِ اتَّبَعْتُمْ شُعَيْبًا إِنَّكُمْ إِذًا لَّخَاسِرُونَ
( 90 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 90 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 90](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisii ka mida haddaad Raacdaan Shucayb waad Khasaarteen.
فَأَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ فَأَصْبَحُوا فِي دَارِهِمْ جَاثِمِينَ
( 91 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 91 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 91](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaase qabtay Gariir waxayna ahaayeen kuwo Guryahoodii ku Dhintay (Iyagoo lagdan).
الَّذِينَ كَذَّبُوا شُعَيْبًا كَأَن لَّمْ يَغْنَوْا فِيهَا ۚ الَّذِينَ كَذَّبُوا شُعَيْبًا كَانُوا هُمُ الْخَاسِرِينَ
( 92 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 92 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 92](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwii Beeniyey Shucayb waxaad Mooddaa inayna ku Nagaanin Magaaladaas Dhexdeeda, kuwii Beeniyey Shucaybna iyaga umbaa Khasaaray.
فَتَوَلَّىٰ عَنْهُمْ وَقَالَ يَا قَوْمِ لَقَدْ أَبْلَغْتُكُمْ رِسَالَاتِ رَبِّي وَنَصَحْتُ لَكُمْ ۖ فَكَيْفَ آسَىٰ عَلَىٰ قَوْمٍ كَافِرِينَ
( 93 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 93 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 93](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaasuu isaga Jeedsaday oo yidhi Qoomkayow waan idin Gaadhsiiyey Fariintii Eebahay waana idiin Naseexeeyey ee sideen ugu walbahaari Qoom Gaala ah.
وَمَا أَرْسَلْنَا فِي قَرْيَةٍ مِّن نَّبِيٍّ إِلَّا أَخَذْنَا أَهْلَهَا بِالْبَأْسَاءِ وَالضَّرَّاءِ لَعَلَّهُمْ يَضَّرَّعُونَ
( 94 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 94 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 94](style/islamic/icons/mp3.png)
Magaalo Kasta oon Nabi u dirraba waxaan ku Qabanay EhelkeedaCudurro iyo Dhibaato inay Khushuueaan (oo Baryaan Eebe).
ثُمَّ بَدَّلْنَا مَكَانَ السَّيِّئَةِ الْحَسَنَةَ حَتَّىٰ عَفَوا وَّقَالُوا قَدْ مَسَّ آبَاءَنَا الضَّرَّاءُ وَالسَّرَّاءُ فَأَخَذْنَاهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
( 95 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 95 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 95](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaasaan u Baddallaa meejii Xumaan (Dhibka) Wanaag (Khayr) intay ka Bataan oy Dhahaan waxaa taabtay Aabayaalkaanno Dhibaato iyo Farax, Markaasaan ku Qbannaa kado Iyagoon Ogayn.
وَلَوْ أَنَّ أَهْلَ الْقُرَىٰ آمَنُوا وَاتَّقَوْا لَفَتَحْنَا عَلَيْهِم بَرَكَاتٍ مِّنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ وَلَٰكِن كَذَّبُوا فَأَخَذْنَاهُم بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ
( 96 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 96 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 96](style/islamic/icons/mp3.png)
Hadday Dadka Magaalooyinku Rumeeyaan (Xaqa) oo Dhawrsadaan waxaan ku Furi lahayn korkooda (Sii dayn lahayn) Barakada Samada iyo Dhulka, wayse Beeniyeen (Xaqii) Waana qabanay waxay kasbanayeen Dartiis.
أَفَأَمِنَ أَهْلُ الْقُرَىٰ أَن يَأْتِيَهُم بَأْسُنَا بَيَاتًا وَهُمْ نَائِمُونَ
( 97 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 97 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 97](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyey ka aamin Noqdeen Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanaga Habeenkii iyagoo Hurda.
أَوَأَمِنَ أَهْلُ الْقُرَىٰ أَن يَأْتِيَهُم بَأْسُنَا ضُحًى وَهُمْ يَلْعَبُونَ
( 98 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 98 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 98](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyeyse ka aamin yihiin Dadka Magaaladu inuu u Yimaaddo Dhibkanagu Barqinkii iyagoo Ciyaari.
أَفَأَمِنُوا مَكْرَ اللَّهِ ۚ فَلَا يَأْمَنُ مَكْرَ اللَّهِ إِلَّا الْقَوْمُ الْخَاسِرُونَ
( 99 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 99 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 99](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma waxay ka aamin Noqdeen Dhibka Eebe, cid khasaartay yaa ka aamin Noqota Ciqaabta iyo Dhibka Eebe.
أَوَلَمْ يَهْدِ لِلَّذِينَ يَرِثُونَ الْأَرْضَ مِن بَعْدِ أَهْلِهَا أَن لَّوْ نَشَاءُ أَصَبْنَاهُم بِذُنُوبِهِمْ ۚ وَنَطْبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا يَسْمَعُونَ
( 100 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 100 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 100](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyeyna u Caddaanin kuwa Dhaxlaya Dhulka Ehelkiisa (Halaagiisa) ka dib haddaan doono Waan qaban lahayn Dambigooda Dartiis, oon Dabooli lahayn Quluubtooda oyna wax Maqlin.
تِلْكَ الْقُرَىٰ نَقُصُّ عَلَيْكَ مِنْ أَنبَائِهَا ۚ وَلَقَدْ جَاءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَمَا كَانُوا لِيُؤْمِنُوا بِمَا كَذَّبُوا مِن قَبْلُ ۚ كَذَٰلِكَ يَطْبَعُ اللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ الْكَافِرِينَ
( 101 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 101 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 101](style/islamic/icons/mp3.png)
Taasi waa Magaalooyinkii waxaana kaaga qisoonaynaa warkoodii, waxayna ula timid Rasuuladii Xujooyin mana ayan Rumayn Beenintooda darteed horay, saasuuna u Daabacaa Eebe quluubta Gaalada.
وَمَا وَجَدْنَا لِأَكْثَرِهِم مِّنْ عَهْدٍ ۖ وَإِن وَجَدْنَا أَكْثَرَهُمْ لَفَاسِقِينَ
( 102 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 102 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 102](style/islamic/icons/mp3.png)
Kamaanaan helin badankooda Ballan, waxaanse ka hellay badankood iyagoo Faasiqiina.
ثُمَّ بَعَثْنَا مِن بَعْدِهِم مُّوسَىٰ بِآيَاتِنَا إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَئِهِ فَظَلَمُوا بِهَا ۖ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ
( 103 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 103 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 103](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaasaan la Bixinay Nabi Muuse Aayaadkanaga Xagga Fircoon iyo Qoomkiisii wayna Dulmiyeen (Diideen) ee day Siday Noqotay Cidhibtii Mufsidiinta.
وَقَالَ مُوسَىٰ يَا فِرْعَوْنُ إِنِّي رَسُولٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ
( 104 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 104 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 104](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Fircoonow Anagu Rasuul Eebaha Caalamkaan ahay.
حَقِيقٌ عَلَىٰ أَن لَّا أَقُولَ عَلَى اللَّهِ إِلَّا الْحَقَّ ۚ قَدْ جِئْتُكُم بِبَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ فَأَرْسِلْ مَعِيَ بَنِي إِسْرَائِيلَ
( 105 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 105 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 105](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana Dhab ah inaan Eebe ka Sheegayn waxaan Xaq ahayn, waxaana idiin la mid Xujo Eebihiin ee u daa Banii Israa'iil la Jirkayga.
قَالَ إِن كُنتَ جِئْتَ بِآيَةٍ فَأْتِ بِهَا إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ
( 106 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 106 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 106](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna yidhi (Fircoon) haddaad la Timid Aayad keen haddaad Run Sheegi.
فَأَلْقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعْبَانٌ مُّبِينٌ
( 107 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 107 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 107](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaasuu Tuuray Ushiisii markaasay soo Baxday iyadoo Mas Cad ah.
وَنَزَعَ يَدَهُ فَإِذَا هِيَ بَيْضَاءُ لِلنَّاظِرِينَ
( 108 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 108 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 108](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna Siibay Gacantiisii markaasay soo Baxday iyadoo u Cad Dadka Eegi.
قَالَ الْمَلَأُ مِن قَوْمِ فِرْعَوْنَ إِنَّ هَٰذَا لَسَاحِرٌ عَلِيمٌ
( 109 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 109 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 109](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay dheheen Madaxdii qoomkii Fircoon ka mida kani waa sixirroow aad u yaqaanna.
يُرِيدُ أَن يُخْرِجَكُم مِّنْ أَرْضِكُمْ ۖ فَمَاذَا تَأْمُرُونَ
( 110 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 110 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 110](style/islamic/icons/mp3.png)
wuxuuna Dooni inuu idinka Bixiyo Dhulkiinnaa ee Maxaad Faraysaan.
قَالُوا أَرْجِهْ وَأَخَاهُ وَأَرْسِلْ فِي الْمَدَائِنِ حَاشِرِينَ
( 111 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 111 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 111](style/islamic/icons/mp3.png)
waxayna Dheheen dib u Dhig (Xaalkiisa) iyo Walaalkiis una dir Magaalooyinka kuwo soo kulmiya.
يَأْتُوكَ بِكُلِّ سَاحِرٍ عَلِيمٍ
( 112 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 112 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 112](style/islamic/icons/mp3.png)
oo kuu Keena Sixir badane kasta aadna u yaqaanna.
وَجَاءَ السَّحَرَةُ فِرْعَوْنَ قَالُوا إِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِن كُنَّا نَحْنُ الْغَالِبِينَ
( 113 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 113 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 113](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna u Yimaaddeen Sixirlayaashii Fircoon waxayna Dheheen Ujuuro maleenahay haddaan annagu Adkaanno.
قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ لَمِنَ الْمُقَرَّبِينَ
( 114 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 114 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 114](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna yidhi haa, waxaadna noqonaysaan kuwa la soo Dhaweeyo.
قَالُوا يَا مُوسَىٰ إِمَّا أَن تُلْقِيَ وَإِمَّا أَن نَّكُونَ نَحْنُ الْمُلْقِينَ
( 115 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 115 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 115](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna dheheen Muusow, ama Tuur ama aan tuurro.
قَالَ أَلْقُوا ۖ فَلَمَّا أَلْقَوْا سَحَرُوا أَعْيُنَ النَّاسِ وَاسْتَرْهَبُوهُمْ وَجَاءُوا بِسِحْرٍ عَظِيمٍ
( 116 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 116 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 116](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna yidhi Tuura, markay Tuureenna waxay Sixreen Indhaha Dadka wayna Cabsi galiyeen waxayna la yimaadeen Sixir wayn.
وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ أَنْ أَلْقِ عَصَاكَ ۖ فَإِذَا هِيَ تَلْقَفُ مَا يَأْفِكُونَ
( 117 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 117 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 117](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse Tuur Ushaada, waxayna soo Baxday inay Cunto waxay Dhoobdhoobeen.
فَوَقَعَ الْحَقُّ وَبَطَلَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ
( 118 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 118 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 118](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana Sugnaaday Xaqii waxaana Buray waxay Falayeen.
فَغُلِبُوا هُنَالِكَ وَانقَلَبُوا صَاغِرِينَ
( 119 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 119 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 119](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana lagaga Adkaaday Gaaladii halkaas, waxayna noqdeen iyagoo Dullaysan.
وَأُلْقِيَ السَّحَرَةُ سَاجِدِينَ
( 120 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 120 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 120](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana loo riday Sixirlayaashii Sujuud.
قَالُوا آمَنَّا بِرَبِّ الْعَالَمِينَ
( 121 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 121 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 121](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna Dheheen waxaan Rumeynay Eebaha Caalamka.
رَبِّ مُوسَىٰ وَهَارُونَ
( 122 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 122 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 122](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebaha Muuse iyo Haaruun.
قَالَ فِرْعَوْنُ آمَنتُم بِهِ قَبْلَ أَنْ آذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّ هَٰذَا لَمَكْرٌ مَّكَرْتُمُوهُ فِي الْمَدِينَةِ لِتُخْرِجُوا مِنْهَا أَهْلَهَا ۖ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ
( 123 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 123 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 123](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna yidhi Fircoon Miyaad rumeyseen Muuse, Idan ka hor, Arrintani waa Dhagar aad ku Dhagarteen Magaalada si aad uga Bixisaan Xaggeeda Dadkeeda, waad ogaan doontaan.
لَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَافٍ ثُمَّ لَأُصَلِّبَنَّكُمْ أَجْمَعِينَ
( 124 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 124 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 124](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan u gooyn Gaemihiinna iyo Lugahiinna isdhaaf waana idin Wadhi Dhamaantiin.
قَالُوا إِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ
( 125 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 125 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 125](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna Dheheen Xagga Eebahanaa u Noqonaynaa.
وَمَا تَنقِمُ مِنَّا إِلَّا أَنْ آمَنَّا بِآيَاتِ رَبِّنَا لَمَّا جَاءَتْنَا ۚ رَبَّنَا أَفْرِغْ عَلَيْنَا صَبْرًا وَتَوَفَّنَا مُسْلِمِينَ
( 126 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 126 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 126](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaad nagu nacayso oon ahayn inaan Rumaynay Aayaadka Eebahanno ma jiro, markay noo Timid, Eebow samir naga Buuxi na dilna anagoo Muslimiina.
وَقَالَ الْمَلَأُ مِن قَوْمِ فِرْعَوْنَ أَتَذَرُ مُوسَىٰ وَقَوْمَهُ لِيُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَيَذَرَكَ وَآلِهَتَكَ ۚ قَالَ سَنُقَتِّلُ أَبْنَاءَهُمْ وَنَسْتَحْيِي نِسَاءَهُمْ وَإِنَّا فَوْقَهُمْ قَاهِرُونَ
( 127 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 127 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 127](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay Dheheen Madaxdii oo Qoonkii Fircoona ma ku Dayn Muuse iyo Qoomkiisa inay Fasaadiyaan Dhulka inuu ku daayo adiyo Cibaadadaada (iyo lLaahyadaada). wuxuuna yidhi waxaannu Dili Wiilashooda waxaannu dayn Gabdhahooda anagaana ka sarrayna oo Dullayn.
قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِ اسْتَعِينُوا بِاللَّهِ وَاصْبِرُوا ۖ إِنَّ الْأَرْضَ لِلَّهِ يُورِثُهَا مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ ۖ وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ
( 128 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 128 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 128](style/islamic/icons/mp3.png)
Muusana wuxuu ku yidhi Qoomkiisa Kaalmaysta Eebe, samrana Dhulka Eebaa iska leh wuxuuna dhaxalsiin Cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, Cidhibta (Fiicanna) waxaa iska leh kuwa Dhawrsada.
قَالُوا أُوذِينَا مِن قَبْلِ أَن تَأْتِيَنَا وَمِن بَعْدِ مَا جِئْتَنَا ۚ قَالَ عَسَىٰ رَبُّكُمْ أَن يُهْلِكَ عَدُوَّكُمْ وَيَسْتَخْلِفَكُمْ فِي الْأَرْضِ فَيَنظُرَ كَيْفَ تَعْمَلُونَ
( 129 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 129 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 129](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna ku dhaheen waa nala Dhihay ka hor Imaatinkaaga iyo ka dib Imaatinkaaga, wuxuuna (Nabi Muuse) ku Yidhi waxay u Dhawdahay in Eebihiin halaago Cadawgiinna oo Dhulka idinku reebo si uu u Eego waxaad Fashaan.
وَلَقَدْ أَخَذْنَا آلَ فِرْعَوْنَ بِالسِّنِينَ وَنَقْصٍ مِّنَ الثَّمَرَاتِ لَعَلَّهُمْ يَذَّكَّرُونَ
( 130 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 130 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 130](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan ku qabanay Fircoon Ehelkiisii Abaar iyo Nusqaan Midhaha inay wax Xusuustaan.
فَإِذَا جَاءَتْهُمُ الْحَسَنَةُ قَالُوا لَنَا هَٰذِهِ ۖ وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌ يَطَّيَّرُوا بِمُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُ ۗ أَلَا إِنَّمَا طَائِرُهُمْ عِندَ اللَّهِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
( 131 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 131 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 131](style/islamic/icons/mp3.png)
Hadduu Wanaag u Yimaaddo waxay Dhahaan anaa leh tan (Mudan), hadday Dhibaato ku Dhacdana waxay aharaystaan Muuse iyo inta la jirta, Baaskoodu wuxu uun jiraa Eebe Agtiisa, badankooduse ma Oga.
وَقَالُوا مَهْمَا تَأْتِنَا بِهِ مِنْ آيَةٍ لِّتَسْحَرَنَا بِهَا فَمَا نَحْنُ لَكَ بِمُؤْمِنِينَ
( 132 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 132 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 132](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna dheheen wax kasta oo aayad ah ood noola timaaddo inaad nagu Sixirlo anagu kuma rumaynayno.
فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمُ الطُّوفَانَ وَالْجَرَادَ وَالْقُمَّلَ وَالضَّفَادِعَ وَالدَّمَ آيَاتٍ مُّفَصَّلَاتٍ فَاسْتَكْبَرُوا وَكَانُوا قَوْمًا مُّجْرِمِينَ
( 133 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 133 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 133](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaasaan ku Dirray Daad, Ayax, injir iyo: Rah iyo Dhiig aayaad Cad iyagoo ah, wayna. iskibriyeen waxayna ahaayeen Qoom Dambiilayaal ah.
وَلَمَّا وَقَعَ عَلَيْهِمُ الرِّجْزُ قَالُوا يَا مُوسَى ادْعُ لَنَا رَبَّكَ بِمَا عَهِدَ عِندَكَ ۖ لَئِن كَشَفْتَ عَنَّا الرِّجْزَ لَنُؤْمِنَنَّ لَكَ وَلَنُرْسِلَنَّ مَعَكَ بَنِي إِسْرَائِيلَ
( 134 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 134 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 134](style/islamic/icons/mp3.png)
Markuu ku Dhacay korkooda Cadaabku waxay dheheen Muusow noo Bari Eebahaa wuxuu kugula Ballamay, haddaad naga fayddo Cadaabka waannu ku Rumayn, waxaana la diri (u dayn) la jirkaaga Banii Israa'iil.
فَلَمَّا كَشَفْنَا عَنْهُمُ الرِّجْزَ إِلَىٰ أَجَلٍ هُم بَالِغُوهُ إِذَا هُمْ يَنكُثُونَ
( 135 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 135 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 135](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaan ka faydnay Cadaabkii lan iyo Muddo ay Gaadhayaan yey ahaadeen kuwo Buriya (Ballankii).
فَانتَقَمْنَا مِنْهُمْ فَأَغْرَقْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ بِأَنَّهُمْ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَكَانُوا عَنْهَا غَافِلِينَ
( 136 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 136 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 136](style/islamic/icons/mp3.png)
Waan ka aarsannay Gaaladii waxaana ku Maanshaynay Badda Illeen waxay beeniyeen Aayaadkanaga, wayna Halmaameen.
وَأَوْرَثْنَا الْقَوْمَ الَّذِينَ كَانُوا يُسْتَضْعَفُونَ مَشَارِقَ الْأَرْضِ وَمَغَارِبَهَا الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا ۖ وَتَمَّتْ كَلِمَتُ رَبِّكَ الْحُسْنَىٰ عَلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ بِمَا صَبَرُوا ۖ وَدَمَّرْنَا مَا كَانَ يَصْنَعُ فِرْعَوْنُ وَقَوْمُهُ وَمَا كَانُوا يَعْرِشُونَ
( 137 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 137 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 137](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana Dhaxalsiinnay Qoomkii ahaa kuwa lagu Dullaysto Bariga Dhulka iyo Galbeedkiis (Masar iyo Shaam) een barakaynay Dhexdiisa, wayna u Dhammaatay Kalimada (Yaboohii) Eebahaa ee wanagsanaa Banuu Israa'iil samirkoodii Dartiis. waxaana Baabi'inay wuxuu Samaynayey Fircoon iyo Qoomkiisii iyo waxay Dhisayeeen.
وَجَاوَزْنَا بِبَنِي إِسْرَائِيلَ الْبَحْرَ فَأَتَوْا عَلَىٰ قَوْمٍ يَعْكُفُونَ عَلَىٰ أَصْنَامٍ لَّهُمْ ۚ قَالُوا يَا مُوسَى اجْعَل لَّنَا إِلَٰهًا كَمَا لَهُمْ آلِهَةٌ ۚ قَالَ إِنَّكُمْ قَوْمٌ تَجْهَلُونَ
( 138 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 138 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 138](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana Tallaabinay Banuu Israa'iil baddii waxayna u Yimaadeen Qoom ku Nagi Sanamyadoodii markaasay dheheen Muusow Nooyeel Ilaah siday iyaba Ilaahyo u yeesheen wuxuuna ku Yidhi idinku waxaad tihiin Qoom Jaahiliina.
إِنَّ هَٰؤُلَاءِ مُتَبَّرٌ مَّا هُمْ فِيهِ وَبَاطِلٌ مَّا كَانُوا يَعْمَلُونَ
( 139 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 139 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 139](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwaas waa lagu Halaagi waxay ku suganyihiin waana Baadhil waxay fali.
قَالَ أَغَيْرَ اللَّهِ أَبْغِيكُمْ إِلَٰهًا وَهُوَ فَضَّلَكُمْ عَلَى الْعَالَمِينَ
( 140 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 140 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 140](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu yidhi ma wax Eebe ka soo hadhay yaan Ilaahnimo idiinka doonaa isagoo Caalamkan (Jooga) idinka Fadilay.
وَإِذْ أَنجَيْنَاكُم مِّنْ آلِ فِرْعَوْنَ يَسُومُونَكُمْ سُوءَ الْعَذَابِ ۖ يُقَتِّلُونَ أَبْنَاءَكُمْ وَيَسْتَحْيُونَ نِسَاءَكُمْ ۚ وَفِي ذَٰلِكُم بَلَاءٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَظِيمٌ
( 141 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 141 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 141](style/islamic/icons/mp3.png)
Xusuusta markaan idinka Korinay Fircoon Dadkiisii iyagoo idin dhadhansiiyey Cadaab Xun, oo laynayey Wiilashiinna daynayeyna Gabdhihiinna, Arrintaasna waxaa ku Sugan Ibtilo Eebihiin Xaggiisa ka ahaatay oo wayn.
وَوَاعَدْنَا مُوسَىٰ ثَلَاثِينَ لَيْلَةً وَأَتْمَمْنَاهَا بِعَشْرٍ فَتَمَّ مِيقَاتُ رَبِّهِ أَرْبَعِينَ لَيْلَةً ۚ وَقَالَ مُوسَىٰ لِأَخِيهِ هَارُونَ اخْلُفْنِي فِي قَوْمِي وَأَصْلِحْ وَلَا تَتَّبِعْ سَبِيلَ الْمُفْسِدِينَ
( 142 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 142 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 142](style/islamic/icons/mp3.png)
waxaan u yaboohnay Nabi Muuse Soddan habeen waxaana ku dhamaystirray Toban, wuxuuna ku dhamaaday Ballankii Eebihiis Afartan Habeen, wuxuuna ku yidhi Nabi Muuse Walaalkiis Haaruun iiga dambee Qoomkayga Wanaakina hana raacin Jidka Mufsidiinta.
وَلَمَّا جَاءَ مُوسَىٰ لِمِيقَاتِنَا وَكَلَّمَهُ رَبُّهُ قَالَ رَبِّ أَرِنِي أَنظُرْ إِلَيْكَ ۚ قَالَ لَن تَرَانِي وَلَٰكِنِ انظُرْ إِلَى الْجَبَلِ فَإِنِ اسْتَقَرَّ مَكَانَهُ فَسَوْفَ تَرَانِي ۚ فَلَمَّا تَجَلَّىٰ رَبُّهُ لِلْجَبَلِ جَعَلَهُ دَكًّا وَخَرَّ مُوسَىٰ صَعِقًا ۚ فَلَمَّا أَفَاقَ قَالَ سُبْحَانَكَ تُبْتُ إِلَيْكَ وَأَنَا أَوَّلُ الْمُؤْمِنِينَ
( 143 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 143 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 143](style/islamic/icons/mp3.png)
Markuu u Yimid Nabi Muuse Ballankanagii oo la hadlay Eebihiis wuxuu yidhi Eebow i tus aan ku arkee, wuxuuna yidhi Eebe ima arkaysid ee day Buurta Hadday Meejeeda ku sugnaato markaasaad i arki, markuu Eebc u Daahiray Buurtii wuxuu ka yeelay Burbur waxaana dhacay Nabi Muuse suuxdin Darteed, markuu miyirsadayna wuxuu Yidhi (Eebow adaa) Nasahan waan kuu Toobad keenay waxaan ahay Mu'minunta kan ugu horreeya (Waqtigan) inaan Adduunka lagugu (arkayn).
قَالَ يَا مُوسَىٰ إِنِّي اصْطَفَيْتُكَ عَلَى النَّاسِ بِرِسَالَاتِي وَبِكَلَامِي فَخُذْ مَا آتَيْتُكَ وَكُن مِّنَ الشَّاكِرِينَ
( 144 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 144 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 144](style/islamic/icons/mp3.png)
Wiixuu Yidhi Eebe Muusow waxaan kaa doortay Dadka (Sabankan) Diriddayda iyo lahadalkayga Dartiis ee qaado waxaan ku siiyey ahowoa kuwa Mahdiya.
وَكَتَبْنَا لَهُ فِي الْأَلْوَاحِ مِن كُلِّ شَيْءٍ مَّوْعِظَةً وَتَفْصِيلًا لِّكُلِّ شَيْءٍ فَخُذْهَا بِقُوَّةٍ وَأْمُرْ قَوْمَكَ يَأْخُذُوا بِأَحْسَنِهَا ۚ سَأُرِيكُمْ دَارَ الْفَاسِقِينَ
( 145 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 145 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 145](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan ugu qurray alwaaxda wax kastoo wacdi iyo Caddayna, ee ku qaado Niyadadag farna Qoomkaaga may qaalaan, ha qaataan Teeda Fiicane Waxaan idin tusin Guryihii Faasiqiinta.
سَأَصْرِفُ عَنْ آيَاتِيَ الَّذِينَ يَتَكَبَّرُونَ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَإِن يَرَوْا كُلَّ آيَةٍ لَّا يُؤْمِنُوا بِهَا وَإِن يَرَوْا سَبِيلَ الرُّشْدِ لَا يَتَّخِذُوهُ سَبِيلًا وَإِن يَرَوْا سَبِيلَ الْغَيِّ يَتَّخِذُوهُ سَبِيلًا ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَكَانُوا عَنْهَا غَافِلِينَ
( 146 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 146 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 146](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan ka lilaa Aayaadkayga kuwa isku Kibriya Dhulka Xaq darro, hadday arkaan Aayaad kasta ma Rumeeyaan hadday arkaan Jidka Hanuunka kama Yeeshaan Waddo, hadday Arkaan Waddada Baadidana waxay ka yccshaan Jid, waxaana ugu Waran inay Beeniyeen Aayaadkanaga oy ahaayeeo kuwo Halmaamay.
وَالَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَلِقَاءِ الْآخِرَةِ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ ۚ هَلْ يُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ
( 147 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 147 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 147](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa Beeniyeen Aayaadkanaga iyo la Kulankanaga Aakhiro waxaa Buray Camalyaalkooda Miyaase laga abaal mariyaa waxay Camal falayeen Mooyee.
وَاتَّخَذَ قَوْمُ مُوسَىٰ مِن بَعْدِهِ مِنْ حُلِيِّهِمْ عِجْلًا جَسَدًا لَّهُ خُوَارٌ ۚ أَلَمْ يَرَوْا أَنَّهُ لَا يُكَلِّمُهُمْ وَلَا يَهْدِيهِمْ سَبِيلًا ۘ اتَّخَذُوهُ وَكَانُوا ظَالِمِينَ
( 148 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 148 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 148](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay ka Yeesheen qoomkii Nabi Muuse Gadaashiis Jawhartoodii Dibi Cod leh, miyeyna arkaynin inuusan lahadlaynin kuna Toosinaynin Jid, way Yeesheen iyagoo Daalimiin ah.
وَلَمَّا سُقِطَ فِي أَيْدِيهِمْ وَرَأَوْا أَنَّهُمْ قَدْ ضَلُّوا قَالُوا لَئِن لَّمْ يَرْحَمْنَا رَبُّنَا وَيَغْفِرْ لَنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ
( 149 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 149 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 149](style/islamic/icons/mp3.png)
Markii Gacmahooda lagu Riday (Nidaamoodeen) oy arkeen inay Dhumeen waxay Dhaheen Hadduusan noo Naxariisan Eebahanno oosan noo Dambi Dhaafin waxaan Noqonaynaa kuwo Khasaara.
وَلَمَّا رَجَعَ مُوسَىٰ إِلَىٰ قَوْمِهِ غَضْبَانَ أَسِفًا قَالَ بِئْسَمَا خَلَفْتُمُونِي مِن بَعْدِي ۖ أَعَجِلْتُمْ أَمْرَ رَبِّكُمْ ۖ وَأَلْقَى الْأَلْوَاحَ وَأَخَذَ بِرَأْسِ أَخِيهِ يَجُرُّهُ إِلَيْهِ ۚ قَالَ ابْنَ أُمَّ إِنَّ الْقَوْمَ اسْتَضْعَفُونِي وَكَادُوا يَقْتُلُونَنِي فَلَا تُشْمِتْ بِيَ الْأَعْدَاءَ وَلَا تَجْعَلْنِي مَعَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ
( 150 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 150 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 150](style/islamic/icons/mp3.png)
Markuu ku soo Noqday Nabi Muse qoomkiisii isagoo Cadhaysan oo Walbahaarsan wuxuu yidhi waxaa Xun Waxaad iiga dambeysccn Gadaashay, ma waxaad Dadajisateen Amarkii Eebihiin wuxuuna Tuuray Alwaaxdii wuxuuna Qabtay Madaxa Walaalkiis Isagoo Xaggiisa u Jiidi, wuxuuna Yidhi Ina Hooyoow qoomku way i tabaryaraysteen waxayna u dhawaadeen inay i Dilaan ee ha igaga farxin Colka hana iga yeehn la Jirka Qoomka Daalimiinta ah.
قَالَ رَبِّ اغْفِرْ لِي وَلِأَخِي وَأَدْخِلْنَا فِي رَحْمَتِكَ ۖ وَأَنتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ
( 151 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 151 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 151](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna yidhi Nabi Muuse Eebow u Dambi Dhaaf ani iyo Walaalkay nana gali Naxariistaada adaa Naxariis badane ahe.
إِنَّ الَّذِينَ اتَّخَذُوا الْعِجْلَ سَيَنَالُهُمْ غَضَبٌ مِّن رَّبِّهِمْ وَذِلَّةٌ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُفْتَرِينَ
( 152 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 152 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 152](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa Yeeshay Dibi waxaa Gaadhi Cadho Lebahood iyo Dulli Nolosha adduunyo saasaana ku Abaal marinaa Been abuurtayaasha.
وَالَّذِينَ عَمِلُوا السَّيِّئَاتِ ثُمَّ تَابُوا مِن بَعْدِهَا وَآمَنُوا إِنَّ رَبَّكَ مِن بَعْدِهَا لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ
( 153 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 153 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 153](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa Falay Xumaan Markaas Toobad keenay intaas ka dib oo Rumeeyey Xaqa Eebahaa intaas ka dib waa Dambi Dhaafe Naxariista.
وَلَمَّا سَكَتَ عَن مُّوسَى الْغَضَبُ أَخَذَ الْأَلْوَاحَ ۖ وَفِي نُسْخَتِهَا هُدًى وَرَحْمَةٌ لِّلَّذِينَ هُمْ لِرَبِّهِمْ يَرْهَبُونَ
( 154 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 154 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 154](style/islamic/icons/mp3.png)
Markay Cadhadu ka Xasishay Nabi Muuse wuxuu Qaatay Alwaaxdii waxaana ku qorraa hanuun iyo Naxariis u ah kuwa Eebahood ka Cabsan.
وَاخْتَارَ مُوسَىٰ قَوْمَهُ سَبْعِينَ رَجُلًا لِّمِيقَاتِنَا ۖ فَلَمَّا أَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ قَالَ رَبِّ لَوْ شِئْتَ أَهْلَكْتَهُم مِّن قَبْلُ وَإِيَّايَ ۖ أَتُهْلِكُنَا بِمَا فَعَلَ السُّفَهَاءُ مِنَّا ۖ إِنْ هِيَ إِلَّا فِتْنَتُكَ تُضِلُّ بِهَا مَن تَشَاءُ وَتَهْدِي مَن تَشَاءُ ۖ أَنتَ وَلِيُّنَا فَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا ۖ وَأَنتَ خَيْرُ الْغَافِرِينَ
( 155 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 155 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 155](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu ka Doortay Nabi Muuse Qoomkiisa Toddobaatan Nin Ballankanaga Dartiis, markay qabatay Gariirku wuxuu Yidhi Eebow haddaad Doonto waad halaagi lahayd horay iyaga iyo Anigaba, ma waxaad noo halaagi waxay faleen Sufaho naga mida, waa Imtixaankaaga Ciddaad doontana waad Dhumisaa kaad dontana waad hanuunisaa adaa Wali noo ah ee noo Dambi Dhaaf noona Naxariiso adaa Dambi Dhaafe Khayr roon ahe.
وَاكْتُبْ لَنَا فِي هَٰذِهِ الدُّنْيَا حَسَنَةً وَفِي الْآخِرَةِ إِنَّا هُدْنَا إِلَيْكَ ۚ قَالَ عَذَابِي أُصِيبُ بِهِ مَنْ أَشَاءُ ۖ وَرَحْمَتِي وَسِعَتْ كُلَّ شَيْءٍ ۚ فَسَأَكْتُبُهَا لِلَّذِينَ يَتَّقُونَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَالَّذِينَ هُم بِآيَاتِنَا يُؤْمِنُونَ
( 156 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 156 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 156](style/islamic/icons/mp3.png)
Noona qor adduunyadan Wanaag iyo Aakhiraba waannu kuu noqonaye, wuxuu Yidhi Cadaabkaygu wuxuu ku dhici Ciddaan Doono, Naxariistayduna waxay u Waasac Noqotay wax kasta, waxaana u qori kuwa Dhawrsada oo Bixiya Zakada iyo Kuwa Aayaadkaygana Rumeeya.
الَّذِينَ يَتَّبِعُونَ الرَّسُولَ النَّبِيَّ الْأُمِّيَّ الَّذِي يَجِدُونَهُ مَكْتُوبًا عِندَهُمْ فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنجِيلِ يَأْمُرُهُم بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَاهُمْ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُحِلُّ لَهُمُ الطَّيِّبَاتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيْهِمُ الْخَبَائِثَ وَيَضَعُ عَنْهُمْ إِصْرَهُمْ وَالْأَغْلَالَ الَّتِي كَانَتْ عَلَيْهِمْ ۚ فَالَّذِينَ آمَنُوا بِهِ وَعَزَّرُوهُ وَنَصَرُوهُ وَاتَّبَعُوا النُّورَ الَّذِي أُنزِلَ مَعَهُ ۙ أُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
( 157 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 157 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 157](style/islamic/icons/mp3.png)
ee ah kuwa Raaca Rasuulka Nabiga ah ec Umiga ah ee ah kay ka heleyeen Isagoo ku qoran agtooda Tawreed iyo Injiil Farana wanaagga kana reeba Xumaanta una Baneeya Wanaagga (Xalaasha) kana Xarrima Xumaanta (Xaaraanta) kana dejiya Culayskii iyo Xadhkihii korkooda ahaa, kuwa Rumeeyey Nabigaas oo Qaddariyey oo u Gargaaray oo Raacay Nuurka lagu soo Dejiyey kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay.
قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ جَمِيعًا الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحْيِي وَيُمِيتُ ۖ فَآمِنُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ النَّبِيِّ الْأُمِّيِّ الَّذِي يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَكَلِمَاتِهِ وَاتَّبِعُوهُ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ
( 158 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 158 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 158](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaad Dhahdaa Dadow anugu waxaan ahay Rasuulkii Eebe ee Xaggiinna Dhammaan, waana Eebaha iska leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, ILaahay mooyee Eebe kalana ma jiro isagaa wax nooleeya, waxna Dila ee Rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa Nabiga ah ee Umiga ah ee Rumeeyey Eebe iyo Malaa'igtiisa Raacana inaad hanuuntaan.
وَمِن قَوْمِ مُوسَىٰ أُمَّةٌ يَهْدُونَ بِالْحَقِّ وَبِهِ يَعْدِلُونَ
( 159 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 159 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 159](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaa ka mida Qoomkii Nabi Muuse Umad ku Hanuimsanayd Xaqa kiina Caddaalad falayaay.
وَقَطَّعْنَاهُمُ اثْنَتَيْ عَشْرَةَ أَسْبَاطًا أُمَمًا ۚ وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ إِذِ اسْتَسْقَاهُ قَوْمُهُ أَنِ اضْرِب بِّعَصَاكَ الْحَجَرَ ۖ فَانبَجَسَتْ مِنْهُ اثْنَتَا عَشْرَةَ عَيْنًا ۖ قَدْ عَلِمَ كُلُّ أُنَاسٍ مَّشْرَبَهُمْ ۚ وَظَلَّلْنَا عَلَيْهِمُ الْغَمَامَ وَأَنزَلْنَا عَلَيْهِمُ الْمَنَّ وَالسَّلْوَىٰ ۖ كُلُوا مِن طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ ۚ وَمَا ظَلَمُونَا وَلَٰكِن كَانُوا أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ
( 160 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 160 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 160](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana u kala gaynay Laba iyo Toban Farac oo Ummadood, waxaana u Waxyoonay Nabi Muuse markay Waraab warsadeen Qoomkiisu inuu ku garaaco Ushiisa Dhagaxa waxaana ka soo burqatay laba iyo toban ilood cid kastana waxay Ogaatay Meejcy ka Cabbi lahayd, waxaana ku hadhaynay Daruuro, waxaana ku soo Dejinay Manni (Macaan) iyo Cunno, waxaana ku nidhi ka Cuna wanaagaan idinku Arzuqay, mana ayan na dulmiyin waxaysc Dulmiyccn Naftooda.
وَإِذْ قِيلَ لَهُمُ اسْكُنُوا هَٰذِهِ الْقَرْيَةَ وَكُلُوا مِنْهَا حَيْثُ شِئْتُمْ وَقُولُوا حِطَّةٌ وَادْخُلُوا الْبَابَ سُجَّدًا نَّغْفِرْ لَكُمْ خَطِيئَاتِكُمْ ۚ سَنَزِيدُ الْمُحْسِنِينَ
( 161 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 161 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 161](style/islamic/icons/mp3.png)
Markii lagu yidhi dega Magaaladaa kana Cuna Meejaad doontaan Dhehana Eebow noo Dambi dhaaf, kana gala Albaabka idinkoo Sujuudsan aan idiin Dhaafno Dambigiince unu siyaadinno samafalayaashee.
فَبَدَّلَ الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْهُمْ قَوْلًا غَيْرَ الَّذِي قِيلَ لَهُمْ فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِجْزًا مِّنَ السَّمَاءِ بِمَا كَانُوا يَظْلِمُونَ
( 162 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 162 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 162](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayse ku badaleen kuwii dulmi falay oo ka mida hadal ka duwan kii loo yidhi (Fala) waxaana ku Dirray Cadaab Samada kaga Yimid dulmigoodii Dartiis.
وَاسْأَلْهُمْ عَنِ الْقَرْيَةِ الَّتِي كَانَتْ حَاضِرَةَ الْبَحْرِ إِذْ يَعْدُونَ فِي السَّبْتِ إِذْ تَأْتِيهِمْ حِيتَانُهُمْ يَوْمَ سَبْتِهِمْ شُرَّعًا وَيَوْمَ لَا يَسْبِتُونَ ۙ لَا تَأْتِيهِمْ ۚ كَذَٰلِكَ نَبْلُوهُم بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ
( 163 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 163 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 163](style/islamic/icons/mp3.png)
Warso (Yuhuud) Magaaladii Badda ku Dhawayd (Dadkeedii) markay Xadgudbayeen Sabtida, oo Kalluunkoodu u Imanayey Maalinta Sabtida ah isagoo Muuqda, Maalintaan Sabti ahaynna uma Timaaddo, saasaana ugu Imtixaanaa Faasiqni' madooda Darteed.
وَإِذْ قَالَتْ أُمَّةٌ مِّنْهُمْ لِمَ تَعِظُونَ قَوْمًا ۙ اللَّهُ مُهْلِكُهُمْ أَوْ مُعَذِّبُهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا ۖ قَالُوا مَعْذِرَةً إِلَىٰ رَبِّكُمْ وَلَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ
( 164 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 164 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 164](style/islamic/icons/mp3.png)
Ka Warran markay Tidhi Umad ka mida maxaad u Wacdiyeysaan qoom Eebe halaagi ama u Cadaabi si daran, waxayna dhaheen waa Eebe u Cudur daarasho, iyo inay Dhawrsadaan inay u Dhawyihiin.
فَلَمَّا نَسُوا مَا ذُكِّرُوا بِهِ أَنجَيْنَا الَّذِينَ يَنْهَوْنَ عَنِ السُّوءِ وَأَخَذْنَا الَّذِينَ ظَلَمُوا بِعَذَابٍ بَئِيسٍ بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ
( 165 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 165 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 165](style/islamic/icons/mp3.png)
Markay Halmaameen wixii lagu waaniyey waxaan korinay kuwii Xumaanta Reebayey waxaana ku qabanay kuwii Dulmiga falay Cadaab Xun Faasiqnimadooda Darteed.
فَلَمَّا عَتَوْا عَن مَّا نُهُوا عَنْهُ قُلْنَا لَهُمْ كُونُوا قِرَدَةً خَاسِئِينَ
( 166 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 166 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 166](style/islamic/icons/mp3.png)
Markay ku Madax adaygeen wixii laga reebay yaan ku nidhi Noqda Daanyeer Dullaysan.
وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكَ لَيَبْعَثَنَّ عَلَيْهِمْ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ مَن يَسُومُهُمْ سُوءَ الْعَذَابِ ۗ إِنَّ رَبَّكَ لَسَرِيعُ الْعِقَابِ ۖ وَإِنَّهُ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ
( 167 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 167 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 167](style/islamic/icons/mp3.png)
Xusuusta markuu Eebe Ogeysiiyey inuu u soo Bixiyaa Yuhuud tan iyo Qiyaamaha cid Dhadhansiisa Cadaab Xun, Eebahaana Ciqaabtiisu way Deg degtaa, waana Dambi Dhaafe Naxariista.
وَقَطَّعْنَاهُمْ فِي الْأَرْضِ أُمَمًا ۖ مِّنْهُمُ الصَّالِحُونَ وَمِنْهُمْ دُونَ ذَٰلِكَ ۖ وَبَلَوْنَاهُم بِالْحَسَنَاتِ وَالسَّيِّئَاتِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
( 168 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 168 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 168](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana ku kala gaynay Dhulka iyagoo Umada ah, kuwo suuban iyo kuwo kalaba waxaana ku imtixaannay wanaag iyo Dhibba inay Noqdaan.
فَخَلَفَ مِن بَعْدِهِمْ خَلْفٌ وَرِثُوا الْكِتَابَ يَأْخُذُونَ عَرَضَ هَٰذَا الْأَدْنَىٰ وَيَقُولُونَ سَيُغْفَرُ لَنَا وَإِن يَأْتِهِمْ عَرَضٌ مِّثْلُهُ يَأْخُذُوهُ ۚ أَلَمْ يُؤْخَذْ عَلَيْهِم مِّيثَاقُ الْكِتَابِ أَن لَّا يَقُولُوا عَلَى اللَّهِ إِلَّا الْحَقَّ وَدَرَسُوا مَا فِيهِ ۗ وَالدَّارُ الْآخِرَةُ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ يَتَّقُونَ ۗ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
( 169 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 169 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 169](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana Baddelay kuwo Xun oo Dhaxlay Kitaabkii qaadanina Muuqa Adduunyadan Dhaw, iyagoo Dhihi waa naloo dhaafi hadduu u Yimaaddo muuqaal la midana way qaataan, miyaan laga qaadin Ballankii Kitaabka inayan Eebe waxaan Xaq ahayn ku sheegin oyna Akhriyin waxa Dhaxdiisa ah, Daarta Aakhiro yaana u Khayr roon kuwa dhawrsada ee miyeeydan wax kasayn.
وَالَّذِينَ يُمَسِّكُونَ بِالْكِتَابِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ الْمُصْلِحِينَ
( 170 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 170 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 170](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa Qabsada Kitaabka oo Ooga Salaadda annagu ma dayacno ajriga kuwa wax Suubiya (Samo fala).
وَإِذْ نَتَقْنَا الْجَبَلَ فَوْقَهُمْ كَأَنَّهُ ظُلَّةٌ وَظَنُّوا أَنَّهُ وَاقِعٌ بِهِمْ خُذُوا مَا آتَيْنَاكُم بِقُوَّةٍ وَاذْكُرُوا مَا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
( 171 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 171 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 171](style/islamic/icons/mp3.png)
(Ka warran) markaan ku koryeelay Buurtii, sidii isagoo hadhayn, una maleeyeen inuu ku Dhici, kuna nidhi ku qaata waxaan idin siinay Niyad Adag, kuna waana qaata waxa ku sugan si aad u dhawrsataan.
وَإِذْ أَخَذَ رَبُّكَ مِن بَنِي آدَمَ مِن ظُهُورِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَأَشْهَدَهُمْ عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ أَلَسْتُ بِرَبِّكُمْ ۖ قَالُوا بَلَىٰ ۛ شَهِدْنَا ۛ أَن تَقُولُوا يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِنَّا كُنَّا عَنْ هَٰذَا غَافِلِينَ
( 172 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 172 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 172](style/islamic/icons/mp3.png)
(Xusuuso) markuu Eebahaa ka qabtay Dadka Dhabarkooda Faracoodii uuna marag uga Yeelay Naftooda, kuna Yidhi Miyaanaan Eebihiin ahayn, oy dhaheenna inaad Eebahanno tahay yaan Marag Kacnay, inaydaan dhihin Maalinta Qiyaame annagu Waan halmaansanayn kan.
أَوْ تَقُولُوا إِنَّمَا أَشْرَكَ آبَاؤُنَا مِن قَبْلُ وَكُنَّا ذُرِّيَّةً مِّن بَعْدِهِمْ ۖ أَفَتُهْلِكُنَا بِمَا فَعَلَ الْمُبْطِلُونَ
( 173 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 173 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 173](style/islamic/icons/mp3.png)
Ama aydaan Dhihin waxaa wax la wadaajiyey (Edbe) Aabbayaalkanagii mar hore annaguna waxaan nahay farac ka Dambeeyey ee miyaad noo halaagi waxay faleen Xumo falayaal.
وَكَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ وَلَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
( 174 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 174 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 174](style/islamic/icons/mp3.png)
Saasaanu Caddaynaa Aayaadka iyo inay u Noqdaan Xaqa.
وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ الَّذِي آتَيْنَاهُ آيَاتِنَا فَانسَلَخَ مِنْهَا فَأَتْبَعَهُ الشَّيْطَانُ فَكَانَ مِنَ الْغَاوِينَ
( 175 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 175 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 175](style/islamic/icons/mp3.png)
Ku Akhri korkooda kii warkiisii aan Siinay Aayaadkanaga oo ka Siibtay Shaydaanna uu Raacay (Isaga) Noqdayna kuwa Baadida ah.
وَلَوْ شِئْنَا لَرَفَعْنَاهُ بِهَا وَلَٰكِنَّهُ أَخْلَدَ إِلَى الْأَرْضِ وَاتَّبَعَ هَوَاهُ ۚ فَمَثَلُهُ كَمَثَلِ الْكَلْبِ إِن تَحْمِلْ عَلَيْهِ يَلْهَثْ أَوْ تَتْرُكْهُ يَلْهَث ۚ ذَّٰلِكَ مَثَلُ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۚ فَاقْصُصِ الْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ
( 176 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 176 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 176](style/islamic/icons/mp3.png)
Haddan Doonno waannu koryeeli lahayn, hasayeeshee wuxuu u iishay Dhulka (Adduunyo Jacayl) wuxuuna Raacay Hawadiisa, wuxuuna la mid yahay Eey haddaad Erido wuu lalmin Carrabka, haddaad Deysana wuu lalmin, saasna waa Masalka Qoomka Beeniyey Aayaadkanaga ee uga warran Qisooyin inay Waantoomaan.
سَاءَ مَثَلًا الْقَوْمُ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَأَنفُسَهُمْ كَانُوا يَظْلِمُونَ
( 177 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 177 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 177](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaa Tusaale u Xun Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, Naftoodana waxay ahaayeen kuwo Dulmiya.
مَن يَهْدِ اللَّهُ فَهُوَ الْمُهْتَدِي ۖ وَمَن يُضْلِلْ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ
( 178 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 178 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 178](style/islamic/icons/mp3.png)
Ciddii Eebe hanuuniya umbaa hanuuni, Cidduu Dhumiyana waa uun kuwa Khasaaray.
وَلَقَدْ ذَرَأْنَا لِجَهَنَّمَ كَثِيرًا مِّنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ ۖ لَهُمْ قُلُوبٌ لَّا يَفْقَهُونَ بِهَا وَلَهُمْ أَعْيُنٌ لَّا يُبْصِرُونَ بِهَا وَلَهُمْ آذَانٌ لَّا يَسْمَعُونَ بِهَا ۚ أُولَٰئِكَ كَالْأَنْعَامِ بَلْ هُمْ أَضَلُّ ۚ أُولَٰئِكَ هُمُ الْغَافِلُونَ
( 179 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 179 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 179](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan u Abuuray Jahannamo wax badan oo Jinni iyo Insiba leh, waxayna Leeyihiin Quluub ayna wax ku Kasayn, waxayna Leeyihiin Indho ayna wax ku Arkayn, waxayna Leeyihiin Dhago ayna wax ku Maqlayn, Kuwaasina waa Xoolo oo kale, waana ka sii Dhunsanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa Halmaansan.
وَلِلَّهِ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَىٰ فَادْعُوهُ بِهَا ۖ وَذَرُوا الَّذِينَ يُلْحِدُونَ فِي أَسْمَائِهِ ۚ سَيُجْزَوْنَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ
( 180 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 180 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 180](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa leexin Magacyadiisa, waxaannu ka abaal marin waxay Camal falayeen.
وَمِمَّنْ خَلَقْنَا أُمَّةٌ يَهْدُونَ بِالْحَقِّ وَبِهِ يَعْدِلُونَ
( 181 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 181 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 181](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaa ka mida waxaan Abuuray Ummad ku Hanuunsan Xaqa, Kuna socon.
وَالَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا سَنَسْتَدْرِجُهُم مِّنْ حَيْثُ لَا يَعْلَمُونَ
( 182 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 182 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 182](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga waxaannu ka qaban meel ayna Ogayn.
وَأُمْلِي لَهُمْ ۚ إِنَّ كَيْدِي مَتِينٌ
( 183 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 183 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 183](style/islamic/icons/mp3.png)
Waana Sugi Kaydkaygu «Awooddayduna» waa darantahay.
أَوَلَمْ يَتَفَكَّرُوا ۗ مَا بِصَاحِبِهِم مِّن جِنَّةٍ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
( 184 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 184 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 184](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyeyna Fikirin inaan Saaxiibkooda (Nabiga) Waalli hayn, waxaan dige Cad ahayna uuna ahayn.
أَوَلَمْ يَنظُرُوا فِي مَلَكُوتِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا خَلَقَ اللَّهُ مِن شَيْءٍ وَأَنْ عَسَىٰ أَن يَكُونَ قَدِ اقْتَرَبَ أَجَلُهُمْ ۖ فَبِأَيِّ حَدِيثٍ بَعْدَهُ يُؤْمِنُونَ
( 185 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 185 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 185](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyeyna Dayin Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa Eebe abuuray oo wax ah, iyo inay Mudantahay inay Dhawdahay Ajashoodu, Hadalkayse Quraanka ka dib Rumayn.
مَن يُضْلِلِ اللَّهُ فَلَا هَادِيَ لَهُ ۚ وَيَذَرُهُمْ فِي طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ
( 186 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 186 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 186](style/islamic/icons/mp3.png)
Cidduu Dhumiyo Eebe wax Hanuunin ma lch, wuxuuna kaga tegi Xad gudubkooda iyagoo ku Wareersan.
يَسْأَلُونَكَ عَنِ السَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَاهَا ۖ قُلْ إِنَّمَا عِلْمُهَا عِندَ رَبِّي ۖ لَا يُجَلِّيهَا لِوَقْتِهَا إِلَّا هُوَ ۚ ثَقُلَتْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ لَا تَأْتِيكُمْ إِلَّا بَغْتَةً ۗ يَسْأَلُونَكَ كَأَنَّكَ حَفِيٌّ عَنْهَا ۖ قُلْ إِنَّمَا عِلْمُهَا عِندَ اللَّهِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
( 187 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 187 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 187](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay ku Warsan Saacadda (Qiyaame) markay Sugnaan, waxaad Dhahdaa Ogaanshaheedu waa Eebahay Agtiisa, waqtigeeda wax Muujin kara oon Eebe ahayn ma jiro, waxay ku Cuslaatay Samooyinka iyo Dhulka, waxaan kado ahaynna idiinkuma Timaaddo, waxay ku warsan Saacadda sidii adoo og, waxaad dhahdaa Ogaanshaheedu waa uun Eebe Agtiisa Dadka Badankiisase ma oga (Xaalkaas).
قُل لَّا أَمْلِكُ لِنَفْسِي نَفْعًا وَلَا ضَرًّا إِلَّا مَا شَاءَ اللَّهُ ۚ وَلَوْ كُنتُ أَعْلَمُ الْغَيْبَ لَاسْتَكْثَرْتُ مِنَ الْخَيْرِ وَمَا مَسَّنِيَ السُّوءُ ۚ إِنْ أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ وَبَشِيرٌ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
( 188 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 188 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 188](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaad Dhahdaa uma hanto Naftayda Nacfi iyo Dhib midna, wuxuu Eebe doono mooyee, haddaan ahay mid og waxa maqan waxaan badsan lahaa Khayrka imana taabteen Xumaani, anigu waxaan uun ahay u dige una Bishaareeye Qoomkii Rumayn (Xaqa).
هُوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا لِيَسْكُنَ إِلَيْهَا ۖ فَلَمَّا تَغَشَّاهَا حَمَلَتْ حَمْلًا خَفِيفًا فَمَرَّتْ بِهِ ۖ فَلَمَّا أَثْقَلَت دَّعَوَا اللَّهَ رَبَّهُمَا لَئِنْ آتَيْتَنَا صَالِحًا لَّنَكُونَنَّ مِنَ الشَّاكِرِينَ
( 189 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 189 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 189](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe waa kan idinka abuuray Naf kaliya, kana yeelay Xaggeeda Haweenaydiisii inuu Weheshado markay Kulmeenna waxay qaadday uur Fudud Saasayna ahayd Markay Cuslaatayna waxay Baryeen Eebahood haddaad Na siiso (Ilmo) Suubban waxaan noqonaynaa kuwa Shugriya.
فَلَمَّا آتَاهُمَا صَالِحًا جَعَلَا لَهُ شُرَكَاءَ فِيمَا آتَاهُمَا ۚ فَتَعَالَى اللَّهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ
( 190 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 190 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 190](style/islamic/icons/mp3.png)
Markuu siiyey mid Suubban waxay u Yeeleen wax la wadaaga wuxuu Eebe siiyey, Eebaa ka sarreeya waxay la Waddajiyeen.
أَيُشْرِكُونَ مَا لَا يَخْلُقُ شَيْئًا وَهُمْ يُخْلَقُونَ
( 191 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 191 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 191](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma waxay la wadaajin waxaan wax Abuuran iyagana la Abuuro.
وَلَا يَسْتَطِيعُونَ لَهُمْ نَصْرًا وَلَا أَنفُسَهُمْ يَنصُرُونَ
( 192 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 192 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 192](style/islamic/icons/mp3.png)
OOn Karaynna gargaar naftoodana aan u gargaarayn.
وَإِن تَدْعُوهُمْ إِلَى الْهُدَىٰ لَا يَتَّبِعُوكُمْ ۚ سَوَاءٌ عَلَيْكُمْ أَدَعَوْتُمُوهُمْ أَمْ أَنتُمْ صَامِتُونَ
( 193 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 193 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 193](style/islamic/icons/mp3.png)
Haddaad ugu Yeedho Hanuunkana idima raacaan waana isku mid haddaad u Yeedhaan iyo haddaad ka Aamustaanba.
إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ عِبَادٌ أَمْثَالُكُمْ ۖ فَادْعُوهُمْ فَلْيَسْتَجِيبُوا لَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
( 194 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 194 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 194](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwaad caabudaysan (U yeedheysaan) Eebe ka Sokow waa Addoomo idinkoo kala ah, bal u Yeedha oo haydin Yeeleen (Aqbaleen) haddaad Run sheegaysaan.
أَلَهُمْ أَرْجُلٌ يَمْشُونَ بِهَا ۖ أَمْ لَهُمْ أَيْدٍ يَبْطِشُونَ بِهَا ۖ أَمْ لَهُمْ أَعْيُنٌ يُبْصِرُونَ بِهَا ۖ أَمْ لَهُمْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا ۗ قُلِ ادْعُوا شُرَكَاءَكُمْ ثُمَّ كِيدُونِ فَلَا تُنظِرُونِ
( 195 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 195 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 195](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma waxay Leeyihiin lugo ay ku Socdaan, mise waxay Leeyihiin Gacmo ay wax ku qabtaan mise waxay Leeyihiin indho ay wax ku arkaan, mise waxay leeyihiin Dhago ay wax ku Maqlaan, waxaad Dahdaa u Yeedha Shurakadiinna ina Dhagra hana i sugina.
إِنَّ وَلِيِّيَ اللَّهُ الَّذِي نَزَّلَ الْكِتَابَ ۖ وَهُوَ يَتَوَلَّى الصَّالِحِينَ
( 196 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 196 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 196](style/islamic/icons/mp3.png)
Waligaygu waa Ilaaha soo Dejiyey Kitaabka isagaana u Gargaara kuwa Suuban.
وَالَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِهِ لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَكُمْ وَلَا أَنفُسَهُمْ يَنصُرُونَ
( 197 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 197 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 197](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow ma karaan Gargaarkiinna Naftoodana uma Gargaarayaan.
وَإِن تَدْعُوهُمْ إِلَى الْهُدَىٰ لَا يَسْمَعُوا ۖ وَتَرَاهُمْ يَنظُرُونَ إِلَيْكَ وَهُمْ لَا يُبْصِرُونَ
( 198 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 198 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 198](style/islamic/icons/mp3.png)
Hadday ugu Yeedhaan Hanuunkana ma Maqlaan waxaadna aragtaa iyagoo ku soo Eegi oon waxba Arkayn.
خُذِ الْعَفْوَ وَأْمُرْ بِالْعُرْفِ وَأَعْرِضْ عَنِ الْجَاهِلِينَ
( 199 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 199 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 199](style/islamic/icons/mp3.png)
Qaado waxa Fudud Farna Wanaagga kana Jeedso Jaahiliinta.
وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ الشَّيْطَانِ نَزْغٌ فَاسْتَعِذْ بِاللَّهِ ۚ إِنَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
( 200 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 200 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 200](style/islamic/icons/mp3.png)
Hadduu ku Waswaasiyo Shaydaan waswaasiye ka Magangal Eebe isagaa Maqle oge ahe.
إِنَّ الَّذِينَ اتَّقَوْا إِذَا مَسَّهُمْ طَائِفٌ مِّنَ الشَّيْطَانِ تَذَكَّرُوا فَإِذَا هُم مُّبْصِرُونَ
( 201 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 201 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 201](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa Dhawrsaday hadduu Taabto Shar Shaydaan way Xusuustaan (Waantoomaan) wayna Arkaan Xaqa (Toonsaadaan).
وَإِخْوَانُهُمْ يَمُدُّونَهُمْ فِي الْغَيِّ ثُمَّ لَا يُقْصِرُونَ
( 202 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 202 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 202](style/islamic/icons/mp3.png)
Walaalaha Shaydaankuse waxay ku Kaalmeeyan Baadida kamana Daalaan.
وَإِذَا لَمْ تَأْتِهِم بِآيَةٍ قَالُوا لَوْلَا اجْتَبَيْتَهَا ۚ قُلْ إِنَّمَا أَتَّبِعُ مَا يُوحَىٰ إِلَيَّ مِن رَّبِّي ۚ هَٰذَا بَصَائِرُ مِن رَّبِّكُمْ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
( 203 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 203 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 203](style/islamic/icons/mp3.png)
Haddaydaan ula Imaanin Aayad waxay Dhahaan Maxaad u soo dooran wayday, waxaad dhahdaa waxaan uun Raaci wixii layga waxyooday Xagga Eebahay Kaasina waa Xujooyin Xagga Eebihiin ka ahaatay iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn (Xaqa).
وَإِذَا قُرِئَ الْقُرْآنُ فَاسْتَمِعُوا لَهُ وَأَنصِتُوا لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
( 204 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 204 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 204](style/islamic/icons/mp3.png)
Markii la Akhriyo Quraanka Dhagaysta una Dhag raariciyana in laydiin Naxariisto.
وَاذْكُر رَّبَّكَ فِي نَفْسِكَ تَضَرُّعًا وَخِيفَةً وَدُونَ الْجَهْرِ مِنَ الْقَوْلِ بِالْغُدُوِّ وَالْآصَالِ وَلَا تَكُن مِّنَ الْغَافِلِينَ
( 205 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 205 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 205](style/islamic/icons/mp3.png)
U Xus Eebaha Naftahaa Naftaada Khushuuc (Baryo) iyo Cabsi, iyo Qaylo la'aan hadal, Aroor iyo Galabba, hana Noqon kuwa Halmaama (Xuska Eebe).
إِنَّ الَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ لَا يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِهِ وَيُسَبِّحُونَهُ وَلَهُ يَسْجُدُونَ ۩
( 206 ) ![soomaali - Al-A'raf (The Heights ) - Aya 206 Al-A'raf (The Heights ) - Aya 206](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa Eebe agtiisa ah iskama Kibriyaan Cibaadadiisa wayna u Tasbiixsadaan (Nasahaan) Isagayna u Sujuudaan.